April 6, 2026

Muwaadin ka sheekeeyay Caqabadaha ka jirta garoonka Muqdosho..

Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ma aqoonsan yihiin Baasaboorka Soomaaliga ah intaan la gaarin Dowladda Denmark?..

Markaan arkey sheekada wiilkan Soomaaliga ah Mustaf Taakoy, waxaan soo xasuustey qiso aniga igu dhacdey markaan dalka Japan 🇯🇵 waxbarashada heerka labaad (Masters degree) u aadayey. Waxaan diyaaradda ku qornaa 30ka Sep. 2022 in aan baxo (Eeg sawirka 2aad), fiisaheyga iyo dukumintiyadeyda wey ii dhameystirnaayeen. Waxaan eelboorka galey subaxa hore, anigoo soo macsalaameeyay qoyska iyo asxaabta.

 

Hase yeeshee, markaan Check-in sameyn rabo counterka tagey ayaa qolada immigration’ka iyo diyaaradda muran i geliyeen, qoladii socdaalka intey gees iila baxeen ayey su’aalo aan dhammaad lahayn igu wareeriyeen oo fiisaha halkee ka heshay? Maxaad u socotaa? Adigu maba safrine yaa kuu soo saarey? Japan 🇯🇵 safaarad dalkan kuma leh haddana fiiso ayaad wadataa?.. iyo su’aalo kale.

Markaan dhammaan su’aalahaas uga jawaabey ayaa haddana waxay igu dhaheen shahaadada talaalka COVID-19 aad wadatid shirkadda dayaarada Ethiopian Airlines hanoo soo dirto taada ma aqbaleyno. Anigoo yaabban oo aad u niyad jabsan ayaan ku dhahay diyaaraddii hadda way duuli rabtaa wax yar ka dib, maxaad ii lug-goynaysaan wax walbo wey ii saxan yihiine?. Si toos ah ayey iigu dhaheen diyaaradda in aan kaa reebno ayaan go’aansaney oo baasaboorkan Soomaaliga ah oo fiiso Japanese ah saaran oo aad ku safreysid toos Muqdisho ilaa Tokyo ayaan ka shakiney. Anoo aad u yaabban oo qoladan socdaalka Soomaaliya Baasaboorkooda maba aqoonsano miyaa? In aan fiiso sida dal Japan 🇯🇵 ah lagu heli karin ayey aaminsan yihiin miyaa is leh oo diyaaraddiina la iga reebay ayaan guriga ku soo laabtey.

Qoladii safarkayga qabanqaabisey ayaan ku wargeliyay in dayaaradda la iga reebay maalintaas oo aan harey aad bey uga xumaadeen. Maalintii ku xigtey ayey ticketka iiga dhigeen si aanan maalintaas kale u harin ayey iyagana kalkaan ku dadaaleen oo waxay ku wargeliyeen arinteyda shaqaalaha dayaaradda Ethiopian Airlines ee Muqdisho. Eeg sawirka 3aad, waxaan ugu dambeyn Muqdisho ka safrey 1 Oct. 2022.

Waxay ahayd labo maalin oo farxad iyo murugo isla socota ah, waxaan ku faraxsanaa in aan fursad helay oo aan soo gaarey xilligii aan miraha guran lahaa, waxan ka murugeysnaa in si xun la iigula dhaqmey dalkeyga gudihiisa weliba eelboorka Muqdisho dhibkuna uu yahay Baasaboorkeyga Soomaaliga ah ee aan wato!.

Anigoon ku diganeyn walaalkayga Soomaaliga ah ee dowladda Denmark ay u diidey dal-ku-galka dalkeeda sababtoo ah ma aqoonsana baasaboorkiisa Soomaaliga ah, waxaa ka horeyso in Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka ee Soomaaliya ay aqoonsadaan baasaboorka Soomaaliga ah oo aan qofka wato baasaboorkaas lagu dhibin eelboorka Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

 

 

#SomaliPassport #HayaddaSocdaalkaSoomaaliya.