April 7, 2026

Muxuu yahay dagaalka u dhexeeya wasiirka Sports dfs iyo Astaan tv

AstaanTV iyo Wasiirka cayaaraha

“Astaaneey is ooysiin sharciga loogama dhuuman karo iska bixi cashuurta oo xeerka cayaarahah soo mar “ ayuu yiri…

Wasiirka Cayaaraha iyo Dhalinyarada DFS Mohamed Abdulqaadr ayaa is hortaagay cayaaro lagu maamuusi lahaa maalmaha xoriyada dalka,kasoo ay soo qabanqaabisay ASTAAN oo ah mid kamida shirkadaha leh warbaahinada ugu xoogan dalka ee tabisa SPORTS dalka,

Wasiirka cayaaraha ayaa amray warbaahinta ASTAAN iyo cida qabanaysa cayaro offial ah iney soo maraan wasaarada cayaaraha iyo xeerarkeeda maadaama cayaaraha shuruuc leeyihiin, sidoo kale wasiirka ayaa ku wargeliyay shirkadan iney qabanayso shaqadii xiriirka iyo wasaarada cayaaraha iyagoo iska indha tiraya dowladnimada iyo shuruuda,

Warbaahinta Astaan oo ah mid xoog kuleh dhanka tabinta (Sport) tabinta cayaaraha soomaaliya aya doonayaa qabashada cayarahan ka sameeso lacago iyadoo mareysa habka xayeeyiinta ganacsiga ee garoonka lagu xardhay, muujinta magacyada shirkadaha taabagelinta, daawadayasha kasoo qayb gala iyo dhaqaalaha internetka dadka ka daawan doona ee ku xiren Warbaahintan,

Wasiirka cayaraaha Maxamed A. ayaa isagana u arka shirkadan dhaqaalaha badan ka sameesa shacabka soomaaliyeed laga dhigo shirkad ku shaqeeysa nidaamka iyo xeerarka kala duwan ee dowlada iyo xariirada kala duwan ee cayaaraha, sidoo kalana u hogaansan hanaanka bixinta cashuuraha shirkadaha dalka ka howlgala,

Warbaahinta Astaan oo ka madax adeegtay fulinta shurucda dalka ayaa adeegsaneysa warbaahinta iyadoo bulshada ku xiran u sheegeysa in la dulmiyay balse iyadu tahay cida sharciga diidan cashuurtana lunsatay, ayuu yiri qof u hadley xafiiska wasiirka cayaaraha soomaaliya maxamed ,

Astana hadii dacwad qabto ha tagto maxkamadaha dalka waa heleysaa xaquuq ama iyaga laga soo saarayaa, hadiise Astaan isbaaro iyo dhac ku shegeyso wasiirka cayaaraha iyadu guriga ay dagan tahay iyo shaqsiyaadka shareta ku ah masaajido miyay ka shaqeeyaan?

Oktoober24