Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ah mid ka mid ah musharrixiinta ugu saameynta badan doorashada soo socota, ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Caasimadda ayaa si buuxda u gashay ololaha doorashada, iyadoo siyaasiyiintu bilaabeen is-urursi iyo madallo mideysan oo lagu doonayo kursiga madaxtinimada.
Dhanka kale, Madasha Samatabixinta Qaranka ayaa soo saartay digniin ku socota Villa Soomaaliya, kuna boorrisay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka tanaasulo damaca muddo-kororsi, maadaama waqtigiisu gabaabsi yahay.
Kooxaha mucaaradka ah ayaa si mideysan u doonaya in Xasan Sheekh laga tuuro kursiga, iyagoo ku eedeeyay inuu raadinayo laba sano oo kororsi ah si uu u dhameystiro mustaqbal siyaasadeedkiisa fashilmay.