April 6, 2026

MW hore, Farmaajo oo Casho iyo Wadatashi La Yeeshay Xildhibaanno ka Tirsan Labada Aqal

Warbixin – Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa caawa kulan casho-sharaf iyo is-xogwaraysi ah la qaatay xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoygiisa magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, marxaladda kala guurka siyaasadeed, iyo sida loo xoojin karo dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda kulanka, isagoo sheegay in ay xildhibaannadu ka wada hadleen ilaalinta dastuurka, shuruucda dalka, iyo baahida loo qabo in mudnaanta la siiyo midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu uga mahadceliyay xildhibaannada booqashada iyo wadatashiga, isaga oo ku adkeeyay in door muhiim ah ay ku leeyihiin xasiloonida dalka iyo hannaanka siyaasadeed ee kala guurka ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wadashaqeynta iyo xiriirka siyaasadeed ee hoggaamiyeyaasha dalka.