April 6, 2026

Mw xasan oo booqanaya wasaarada gaashaandhiga iyadoo wasiir fiqi tuutaha dib u xiran doono..

Mar kale iyo Tuute

Kulanka Beri Wasaarada Gaashaandhiga ku dhex mari doona madaxweyene xasan Sheekh iyo Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Macalin Fiqi ayaa la filayaa in looga hadlo dib-ugu soo laabashada furimaha dagaalka dowlada faderaalka soomaaliya oo gaabis xoogan lagu eedeenayo,

Sidoo kulankan ayaa la sheegay in uu daaran yahay abaabul cusub ee markale lagu galayo dagaal ka dhan ah kooxda khawaarijta marba marka dambeesa kusoo fideysa deegaano hor leh dhaca gobolada Hiiraan, shabeele dhexe iyo hoose, iyadoona qayba kamida galgaduud laga soo warinayo saan saan colaadeed,

Dhowaan ayay ahayd markii dowladaha saxiibka la ah dowlada soomaaliya la wadeegeen dfs xogo amni oo sheegaya in khawaarijtu soo fariisatay deeganka Goobo oo ah deegaan istaraatiiji ah dhaca xaduuda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, saraakiisha ka faalooda amniga iyo dagaalka lagu la jiro khawaarijta ayaa taxliilkooda ku sheegey in kooxdu ku socodo degmooyinka Guriceel, Matabaan iyo Cadale,

Dowlada faderaalka ayaa u muuqata mid ka jawaabaysa dhaqdhaqaaqaas ciidan ee khawaarita kawado deeganadaasi, hasse yeeshee Baled Xaawo oo dhawaan dowladu geesey ciidamo halkaa kala wareegay ciidanka maamulka Axmed madobe ayay saraakiisha Ethiopia amreen iney isaga baxaan degmada Baled Xaawo,

Waxaasa la yaab ah in dowlada Ethiopia sidaa u hadasho iyadoo wasirudowlada arimaha dibada soomaaliya Cali Balcad asbuuc kahor isagoo ku sugan Addis Ababa warbaahinta ka sheegey iney hishiiyeen soomaaliya iyo Ethiopia,

Maxay kula tahay?