April 7, 2026

Mw xasan sheekh “Dib u dhac ayaa ku yimid sahanka shidaalka soomaaliya “

Mw soomaaliya mudane xasan sheekh ayaa gollaha shacabka ka hor Sheegay baaritaanada iyo sahanka shidaalka baddeena soomaaliya laga waday dib dhac ku yimid isagoona u sababeeyay shabaag kaluumeysatada sharci darrada biyaheena in mudo ah ku tuurayeen gunta hoose ee badda lagu arkay taasoo shirkadaha caqabad hor leh ku noqatay,

Shidaal soo sahminta ha inoo dambeesee xogtaas madaxweynaha nala wadaagay ee qashinka baddeena daadsan wasaararada kaluumeysiga iyo kheyraadka badda ma haysaa xogtaas oo ma jirtaa meel uga hadashay iyo tallaabooyin ku haboon ee laqaaday si loo badbaadiyo kheyraadka baddeena ku jira iyo badqabka noolaha badda oo ay dadka soomaaliyeed isweydiinayaan maalin kasta kalluunw soo caariyay xeebaha bilaa sabab?,

Dhanka kale wasiirkii hore ee Wasaarada batroolka soomaaliya oo laba jeer hore la dhaaftay mudadii uu shacabka usheegay waqtiga soo bandhigida natiijada xogta sahanka shidaalka baddeena ayay tani ka dhigaysaa markii sedexaad ee dowladu waqtigii sheegtay iyo sababtii koowaad,

Wasaaradaha kaluumeysiga iyo batroolka soomaaliya dhibaatadan maxa uga qorsheesan oo ay tallaba ah qaadi doonaan, intee ayuu la egyahay dhibta shabaagta biyaha hoostiisa daadsan, qasaaraha noolaha badda dhibta uu u gesytay ma laga heli karaa xogtaan,

Maxa ciqaab ah ayay muteesan karaan shirkadaha sidan u dhaawacay dhaqaalaha dalkeena iyo kheyraadka badeena, sidoo kale shaqsiyaadka soomaalida ah ee ka taajiray hishiisyada sharci darrada ah ee baddeena lagu jariifay kadibna sidaa loo wasaqeeyay maxa iyaga nooga qorshaha ah mise waa siyaasi reer hebel ganacsade reer hebel ayaa lagu soo koobay,

Dhibaatadan shaqsiyaad soomaali ah ayaa sodon sano badda ka sameenayay maanta waa dad la karaameeyo oo sharaf iyo hanti leh.

Maxay kula tahay ?
WQ Oktoober