April 6, 2026

Mw xasan sheekh kulan hoose la yeeshey Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yusuf U. xasan

Xoga hoose aynu ka helnay Kulan horudhac ah ee villa soomaaliya ku dhex maray madaxweynaha soomaaliya mudane xasan Sheekh maxamuud iyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Hassan ee looga hadlayay xaalada guud ee Hiiraan iyo dagaalka Beesha ku jirto ayaa la isku sooqaaday qodobo xasaasi ah,

Kulankan ayaa laga soo warinayaa in madaxweyne xasan uu ugaaska marka koowaad codsaday inaanu kala hadlin wada-shaqeen ey qayb ka yihiin dhowr qofood oo uu qalin cas magacyadooda saaray, isagoona yiri” kuwaan ha imaqashiin Ugaasoow “

Ugaas Yusuf Ugaas Xasan oo sababta weydiiyay ayuu madaxweyene xasan Sheekh ku sheegay in ragani yihiin kuwii dhabarka ka jabiyay halganka reer hiiraan iyo Hirshabeele, qaar kale waxa uu ku tilmaamay iney yihiin kuwo aanan waxba soo kordhin karin marka ay joogto Xawaadle , Hiiraan iyo dagaal toona,

Shaqsiyaadka madaxwyenaha uu qalinka cas saaray waxa kamid ah:-

-Mw xigeenka HRS Yuusuf Dabageed
-Wasiirkii hore Batroolka Abdirisak Cumar Maxamed
-Wasiirka batroolka iyo Macdanda Dahir Shire
-Xildhibaan Abdimaalik Cabdalla

Isku soo wada duub ugaaska ayaa la filayaa in uu la yimaado shaqsiyaad kale karti leh qancin karana madaxweynaha oo sheegey in uu diyaar u yahay garab istaago Abitiyadii oo wajahaya xaalado dagaal iyo dhaqaale xumo dhanka saanada dagaalka,

Waxaasa xasuusin mudan, kahor intaan cxds iyo macawisleey kasoo bixin degmada Aadenyabaal, la na soo faarujin degmooyin badan ee dhaca gobolka shabeele dhexe, in madaxwyanaha dalka xasan Sheekh sidanoo kale duleedka muqdisho uu kula kulmay dhaqanka iyo siyaasiinta beeshiisa guud mw kuwaasoo ku kala jabay garab siinta dowlada, kadjb markii ay saluugeen shaqsiyaadka mw xasan uu wato ee uu dadka iyo dagaalka hormuud uga dhigey, kuwaa oo ahaa siyaasiin aan diir iyo dub naxa toona leheen, ula jeedkooduna ahaa ka ganacsiga dagaalka, ugu dambeen kulankaa burburkiisa ayaa noqday sabab dagaalka uu ugu soo gadoomay Hiiraan iyo deegaano hor leh oo khawaarijtu la wareegeen,

Haddaba malaga yabaa sidiyoo kale in xaaladu noqoto oo dagaalkuna dariska gaaro kadibna madaxwyanaha uu eedeeyo siyaasiinta beeshaasi isago Janaraal Odowaa iyo saraakiisha tallaaba ka qaadin armuu qalin cas saaraa siyaasiin kale oo hada isu heesta iney beelo kala matalaan,
Haa , Haa ,

Sababtu waa xasan ayaa ah xasan oo dantiisa kaliya xalka u arka,