April 7, 2026

XUSKA 1 luulyo 2025, Mw xasan sheekh oo shubka villa soomaaliya ka hoos galey hoobiyaha,

Munaasabada xuska kowda lulyo ayay caawa dad badani u dabaal dagayeen maadaama tahay habeen kuween ummada soomaaliyeed meel kasta ay joogaan , si isku mida aya u muujinayeen dareenkooda ku aadan farxada sanad guurada 65-aad ee kasoo wareegatay xiligii aynu gumeestaha ka xorownay sanadii 1960-kii,

Madaxweynaha qaranka xasan sheekh maxamuud sedex sano kadib salaantii sharaftii calanka daf iyo Miriq ayuu ku qaatay isagoona isku aamini waayay barxadahii hore ee uu soo istaag jirey sanadadii 2022/23/24 maanta oo kale,

Odayga caawa Villa soomaaliyadii uu ku kalsoonaa xitaa albaabka qolkiisa waa soo dhaafi waayay, wuu in uu soo fuulo sanadaqii bartanaha loo dhigay, buuq dheer kadib jararada iyo shubkaan hoos tiisa ayuu salaanta ka soo tuurey kadibna waa xarooday,

Waxaasoo dhan waxa u sabab ah in xal loo waayay kooxda khawaarijta ee hooviyayaasha la beegsata xarunaha dowlada oo lixdii bilood ee ugu dambe whey aad u duqeysay gooba badan kamid yahay xalane iyo madaxtooyada agagaarkeeda,caawana cabsidaas amni ee Muqdisho laga sheegay ayaa loo bedelay qorshahii munaasabadan iyo meeshii madaxweynaha istaagi lahaa,

 

marka isu eegto sida loo maamuusay munaasabada sanadkan iyo sanadadii hore waxa dareemeysa mooraal jabka xun ee ku dhacay madaxweynaha, qalqalkii amni ee caawa ayaa ah mid aad looga dheehan karat wajiga madaxweynaha oo cara badani ka muuqatay, waxa soo dhan waxaa u sababa ayaa la leeyahay buuqa siyaasadeed ka kaga imanaya dhanka mucaaradka iyo guul darooyinka kala kulmay la dagaalanka agagixisada oo uu kusoo lumiyau waqti,naf iyo maalba,

Dalka amigiisa madaxtooyadii sidaas ula tacaaleyso waxa uu caawa xusayaa sanad-guuradii lixden iyo shanaad ee kasoo wareegatay maalinkii aynu gobonimada qaadanay,

horumarkaas balaaran ayayna dadka aad usoo dhoweeyeen iyadoo madaxweynaha noo qabanayo doorasho qof iyo cod ah isla bishan,

Sawirka sare waa sanadadii hore sawirka hoosena waa caawa iyo shubka hoostiisa,

Hambalyo soomaaliya iyo koowda lulyo.

Oktoober24