Jarmal Axad, 9 Nofeembar 2025
Magaalada Berlin ayaa maanta martigelineysa kulankii ugu horreeyay ee NFL (National Football League) ee abid lagu qabto caasimadda dalka Germany, iyadoo ay foodda is darayaan kooxaha Indianapolis Colts iyo Atlanta Falcons.
Inkasta oo NFL hore ugu ciyaartay afar kulan oo ka dhacay Germany, haddana dhammaantood waxay ka dhaceen magaalooyinka Munich iyo Frankfurt, balse weligood laguma qaban caasimadda Berlin — ilaa maanta.
Kulankan oo qeyb ka ah International Series ee NFL, ayaa noqonaya kulankii shanaad ee taariikhda NFL lagu qabto gudaha Germany, iyo kii ugu horreeyay ee ka dhaca Berlin.
Kulamadii hore ee NFL ee Germany
-
🇩🇪 13 Nofeembar 2022 – Munich: Tampa Bay Buccaneers 21, Seattle Seahawks 16
-
🇩🇪 5 Nofeembar 2023 – Frankfurt: Kansas City Chiefs 21, Miami Dolphins 14
-
🇩🇪 12 Nofeembar 2023 – Frankfurt: Indianapolis Colts 10, New England Patriots 6
-
🇩🇪 10 Nofeembar 2024 – Munich: Carolina Panthers 20, New York Giants 17
-
🇩🇪 9 Nofeembar 2025 – Berlin: Indianapolis Colts vs. Atlanta Falcons
Kulankii hore ee 2024, Panthers ayaa guul ku gaartay Allianz Arena oo ay joogeen in ka badan 70,000 taageere, taas oo ahayd mid ka mid ah ciyaarihii ugu daawashada badnaa ee NFL ka dhacda Yurub.
Taariikhda Ciyaaraha Caalamiga ah ee NFL
NFL waxay kulankeedii ugu horreeyay ee caalami ahaa ciyaartay sanadkii 2005, balse barnaamijka rasmiga ah ee “NFL International Series” waxa uu si buuxda u bilowday 2007.
Tan iyo markaas, in ka badan 53 kulan ayaa lagu qabtay meelo kala duwan oo caalamka ah, oo ay ka mid yihiin:
-
London (UK)
-
Mexico City (Mexico)
-
Munich, Frankfurt, Berlin (Germany)
-
São Paulo (Brazil)
-
Dublin (Ireland)
-
Madrid (Spain)
Kulanka maanta ee Berlin ayaa astaan u ah ballaarinta joogtada ah ee NFL ee suuqyada caalamiga ah, iyadoo taageerayaasha Jarmalka iyo guud ahaan Yurub si aad ah u xiiseynayaan kubadda cagta Mareykanka.