Nin u dhashay Britain oo lagu magacaabo Martyn Latchman, da’diisuna lagu sheegay 38 jir kana soo jeeday Milton Keynes, ayaa geeriyooday kadib markii uu xanuunsaday xilli uu ku sugnaa isbitaal ku yaalla Istanbul, Turkiga, si loogu sameeyo qalliin timaha lagu beero.
Wararka ayaa sheegaya in Latchman, oo hore u ahaan jiray macallin balse dhawaan noqday qandaraasle dhanka difaaca, uu markiisii labaad booqanayay cusbitaalka Dr Cinik, halkaas oo uu si guul leh uga helay qalliin timo-beerid ah xagaagii hore.
Sida ay sheegtay xarunta caafimaadka, Latchman ayaa xanuunsaday ka hor inta aan la bilaabin qalliinka laftiisa, xilli lagu jiray marxaladda diyaarinta. Waxaa si degdeg ah loogu qaaday isbitaal kale oo u dhow si loogu daweeyo xaalad degdeg ah, balse wuxuu geeriyooday isla maalintaas.
Booliiska dalka Turkiga ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo ku saabsan geerida. Meydkiisa ayaa lagu celiyay UK, halkaas oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ay xaqiijisay in ay taageerayaan qoyskiisa, islamarkaana ay xiriir la leeyihiin mas’uuliyiinta Turkiga.
Cusbitaalka Dr Cinik, oo ah xarun caan ah oo ay adeegsatay shaqsiyaad caan ah sida ciyaaryahankii hore ee kubadda cagta Rio Ferdinand, ayaa sheegay inay si buuxda ula shaqeynayaan baaritaanka, islamarkaana ay aad uga naxeen geerida Martyn Latchman.
xigasho Majalada The Guardian