April 6, 2026

Nin Ku Nool Dubai Oo Caan Noqday Baraha Bulshada kadib Markii Uu Ka Sheekeeyay Ciriiriga Baabuurta – Taraafikada

 

Dubai — Nin degan magaalada Dubai ayaa si lama filaan ah caan ugu noqday baraha bulshada kadib markii uu soo duubay muuqaal uu ku sheegay in adeerkiis uu garoonka diyaaradaha geeyay isagana weli ku jiro ciriirigii baabuurta,iyadoo diyaaraddii uu adeerku saarnaa ay Pakistan ka degtay.

Muuqaalkan qosolka leh ayaa si degdeg ah uHu faafay baraha bulshada , waxaana uu soo jiitay malaayiin aragti, isagoo iftiimiyay culayska sii kordhaya ee taraafikada magaalada.

Ninka muuqaalka qaaday ayaa sheegay in safarkii garoonka “ka dhakhso badnaa diyaaradda duuleysa.” Duulimaadka Dubai–Pakistan wuxuu qaatay wax ka yar saddex saac, halka adeerkii garoonka la keenay uu saacado badan ku xanibnaa waddada.

Dhacdadan ayaa kor u qaaday doodda ku saabsan dib-u-dhacyada taraafikada Dubai, iyadoo ay dowladdu ku hawlan tahay hirgelinta nidaamyo taraafik oo ku shaqeeya AI si loo hagaajiyo socodka gaadiidka, loo yareeyo ciriiriga, loona kordhiyo amniga waddooyinka.

Muuqaalkan qosolka iyo dhabanka taabanaya ahi wuxuu noqday tusaale kale oo muujinaya caqabadaha ka jira waddooyinka inkastoo Dubai ay caan ku tahay horumarinta kaabayaasha casriga ah.