April 7, 2026

PISCES, Muxuu yahay systemka cusub ee lagu xiray Aden Adde Airport?

PISCES waa aalad qayb ka ah xafiiska la dagaalanka Argagixisada iyo Burcada dalka Mareykanka labaatankii sano ee lasoo dhaafay,

Muqdisho, 28.06.2025, Saraakiil katirsan waaxda arimaha dibada dowlada Mareykanka iyo xafiiska la dagaalanka argagixisada dalka mareykanka TIP ayaa maanta tababar usoo xirtay qaar kamida saraakiisha Immegration soomaaliya, kuwaasoo in mudo ah la barayey sida loogu shaqeyn karo Barmaamijka PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System) oo ah barnaamij ku shaqeeya Tiknoolajiyada casriga ee lagu ilaaliyo xaduudaha dalalka Ayraboodarada, badd iyo bariga,

Barnaamijkan oo ah mid labaatankii sano ee ugu dambeeyay la dhigay garooma badan kamida caalamka ayaa awood u leh aqrinta xogaha gaarka ah ee lagu keydiyay mashiinada x-haya ee xafiis iyo xarumo socdaalka sida xaduudaha, iyadoo la isticmaalyo kamirada sawirka ee indhaha, fara-qaadista iyo xogta dokomentigaaga ku xusan ee mashiinka la saarayo (scan), Systemkan 24 saac kahor duulimaadkaga ayuu soo gaarsiinaya xogtaada xafiiska ugu sareeya dabagalka aegagaxisa, sabbatoo ah waxa uu isku xiraa xogaha dhowr meelood ka imanaya ee shirkadaha diyaaradaha, Safaaradaha, hay,adds socdaalka, iyo garoonka diyaaradaha, hadii aad tahay qof la raadinayay mahaaba lagu uu sugaa,

Barnaamijka PISCES dhamaadkii sagaashameyadii ayay dhistey shirkada Booz Allen Hamilton oo ah shirkad laga leeyahay dalka mareykanka, waxa uuna ahaa markisii hore barnaamijka xog ururin iyo aqrin lagu kaantaroolo xaduudaha iyadoo la marayo nidaam fudud degdeg xogaha ku kala saari kara, Isla bilowgii asaaskeeda Dowlada mareykanka ayaa barmaajikaasi u isticmaashay dabagalka iyo kahor taga argagixisada iskaga goosheysa dalka iyo dibadda, xaduudaha dalal qaar ee la dhigay ayaana lagu qabtay dad dowlada mareykanka in mudo ah baadi-goobeysey,

Sanadii 2002-dii 19 julay, warbixintii uu qoray Xafiiska ka hortaga araggixisada dalka mareykanka ayaa lagu sheegay in dowlada ku faa’iiday isticmaalka adeega PISCES kadib markii lagu guuleystay qabashada dad dowlada baadigoobeysey kuwaasoo kusoo dhacay xaduudo la dhigay systemkan, Madaxweynahii hore Mareykanka ka talinayay Bush ayaa PISCES u aqoonsaday aalad iyo barnaamij muhiim u aha xafiiska la dagaalanka aragagixisada dowlada mareykanka, waxa uuna soojeediyay in laga shaqeeyo sidii loo dhigi lahaa barmaamijkan garoomada dalal badan xafiiska la dagaalanka ka shaqeeyo, isagoona u arkayay marka in lagu qaban karo kooxaha argagixisada ee caalamka isaga kala goosha,

PISCES, sidaa ayay ku noqotay Barnaamijka gaar ah oo hoos taga xafiiska la dagaalanka, dowlada ayaana dusha saaratay bixinta dhaqaalaha, tababarka iyo qalabeenta xafiisyada dowladaha laga hirgelinayo adeegan, maadaama dowlada mareykanku u arkayso mid muhiim u ah sugida amniga muwaadiineeda gudaha iyo dibada sidoo kalena ka hortaga degdegta ah ee qatarta argagixisada,

Barnaamijka PISCES dalalka ugu horeeyay ee uu mareykanka ka hirgeliyay, sanadii 2022-dii Afghanistan, dalka Pakistan oo uu dhowr airport ku Xirey , dalalka geeska Africa sanadii 2003-gii ayaa la dhigay sida kenya, Ethiopia, Tanzania, halka Djibouti, Uganda, Gahana iyo bariga Africa dalalka dhaca la geeyay sanadii xigtey ee 2004-tii, inkasto dalal badani iska diideen mashruucan iyagoo diidanaa bixinta xogta dalka iyo muwaadiniinooda oo toos ugu loogu xirayo system dowlada mareykanka hadana dowlada badan ayaa markii dambe aqbalay oo sidaas ku fududeeyay wada shaqeenta kahor taga argagixisada, taasoo markii dambena keentay in la qabto dad halis ku ah amniga dalalkaasi iyo Mareykanka,

soomaaliya in xiligaan aqbasho hirgelinta Adeegan waxa kusoo aadiyey,

-koow dowlada soomaaliya iney aqbashay deg deg loosoo qabto shaqsiyaadka argagixisada ee duul duula iyo dadka sida gaar ka dowlada ha waawayn u raadinayaan,sida dadka ka shaqeeya ,lacag dhaqista,, iibinta daragoogiska,dad tahriibinta, dagaal ooge,musuqa maamsuqa hantida shacabka iwm,
-iney jirto xog kooban oo ay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ururisey ee lagu hayo systemka basaboorada la qaatay iyo xogta dadka kasoo galay xaduudaha garoomada diyaaradaha soomaaliya dhowrkii sano ee lasoo dhaafay,
-tan ugu muhiimsan ee ah in dowladu aqbashay isku wareejinta xogta dalka iyo dadka muwaadiniinta soomaaliyeed iyo ajaanibta, soogelid iyo bixidba,

Wada shaqeentani oo ah amniga dalka lagu sugayo waxa ay %100 ku wanaagsanaan laheyd in dadka oo idil dowlada soomaaliya diiwaangeliso una sameeso kaar aqoonsi hal database leh, sidoo kalena la xakameeyo habraaca qaadashada kaarka aqoonsiga muwaadinka iyo baasaboorada,Taasi waxay ay caawin leheed dhaqso lagu kala miiro dadka maadaama qof kasta ee xaduudaha dalka kabaxayo xogtiisa la hayo, sidoo kalena xafiis kasta ee bixiya adeeg si deg deg ayaa looga soo qaban lahaa dadka hada airporka kaliya lagu sugayo ee halis ku ah dalka iyo dadka,

Haddaba, haddii hay’addu basaboor musuq looga qaadan karo, saraakiisha laaluush qaadanayaan waxaad doonto kuu sameenayaan, shaqadani ma hagaagayso amni buuxana ma lagu gaari doono, sababtoo ah dambiileyaal ayaa magac kale ku dhoofi kara sida hore u loo arkay( qof maxkamad xakuntay oo xabsi ku jira sow basaboor looma sameen kadibna inta xabsjga laga soo qaaday garoonka aden adde diyaarad lagama saarin), Hay, addaha dowlada waa iney toos u Wada-shaqeeyaan musuqna ka dhowrsan yihiin, inta laga gaarayo dowlad iyada dhisan karta sysytem gaara ku shaqeeyso,

warbixintan waxa kasoo kasoo ururiyay shrikada Booz Allen Hamilton iyo faahfaahinta ka bixisey barnaamijkan PISCES , iyo waaxda arimaha dibada, iyo la dagaalanka argagixisada mareykanka wadashaqeyntan xogtii ka qortay,

Xasuusin dowladaha iyaga si gaara u sameesta system xaduudaha iyago iibsanaya ama u dirsanaya shirkad leh aqoontaas, midka hada aan ka hadleena waa mid dowlada dhibaateesan looga faa’iideeyo isticmaalkiisa iyadoo awood leeyanayo in laga dhex qabto cidii iyaga u arkaan dhibaato,

Oktoober24