Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirka Muqdisho u fadhiya Mudane Alper Aktaş.
Safarka Waftiga Turkiga ee soo gaaray Puntland ayaa daarna sida dowlada Puntland looga soo fur furi lahaa Markab Sea World ee ku xayiran Dekada Boosaaso kaasoo ku sheegtey in uu siday hub sharci darro ah,
wadahadal in muddo ah u socday madaxda dowlad goboleedka Puntland iyo Safiirka Türkiye u fadhiya muqdisho ee la xariira Markabka MV Sea World iyo shixnadda saaran ayaa ugu dambeen la isku afgartay in la siidaayo, iyadoo dowlada Turkiga la wadaagtay Puntland cadeymo muujinaya in Turkidu leeyihiin hantida saaran Markabka,
Madaxda Puntland oo tixgelineysa warqadaha cadeymaha soo gudbiyeen madaxda safaarada Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay Markabka iyo Shixnada uu sido , ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo dowlada Turkiga.
Sidoo kale Puntland ayaa raali galeen buuxda ka bixisay hubka tirada yaraa ee lagala degay MARKABKA intii uu ku sugnaa xeebaha Bareeda,
Markabkan Sea World Bartamahii bishii julaay ayay Puntland ku qabatay xeebaha Bareeda kaasoo markii dambena lagu xirey dekada boosaaso, maanta ayaana halkaa lagu soo afjaray buuqii dowlada faderaalka iyo Puntland ee arimaha markabkan,
OKTOOBER24