April 7, 2026

Puntland ayaa markale qabatay Markab kale kusoo xirtay Bareeda,

Deg Deg

Puntland, Taliska booliiska gobolka Raas-Caseyr G/sare Mahad Cali Carcar ayaa warsaxafaadeed ku sheegey, in puntland qabatay Markab labaad kusoo xirtay xeebta Bareeda kaasoo lagaga shakiyey in uu sido xamuul sharci darra ah,

Taliye Mahad ayaa xaqiijiyay in la fasaxay markabkaa kadib markii ciidamada amniga Puntland baaritaanada sameeyeen ku xaqiijiyeen in markabku ahaa markab ganacsi kaasoo shidaal u sida dekada Muqdisho,

Waxa uuna hoosta ka xariiqay taliyaha in laamaha amniga puntland fool-jigjaan dheeriya ka wadaan xeebaha soomaaliya gaar ahaan PL oo ay suurtagal tahay in kooxaha khawaraita isaga kala gudbiyaan hub sharci darra ah

Howlgalkan lagu fasaxay Markabkan labaad ayaa kusoo aadaya xili Puntland weli gacanta ku heyso Markabka SEA WORLD oo sheegeen in uu sidey hub sharci darro ah,

Oktoober24