XAALADDA MARKABKA MV SEA WORLD
BOOSAASO: 23 July 2025: Dowladda Puntland waxay ka mahad celinaysaa xiriirka iyo taageerada walaaltinimo ee dadka iyo Dowladda Turkiga ay la garab taagan yihiin Ummadda Soomaaliyeed.
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed oo ah xubin ka mid ah Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuulna ka ah dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed ee puntland si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dastuurka
DowladdaPuntland, waxay aad uga xuntahay warqadda maantay (23 July 2025) ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay in Puntland ay tahay BURCAD BADEED afduubatay Markab.
Ciidanka Illaalada Xeebaha Dowladda Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay Markab lagu magacaabo
MV SEA WORLD, taariikhdu markay ahayd 18kii July 2025. Ciidanka ayaa helay xog la xariirta Markab xammuul ah oo muddo labo maalmood ah war wareegayey meel u dhow Xeebta Bareeda ee Gobolka
Raas casary ee Puntland.
Ciidanka Dowladda Puntland ayaa Markabka dushiisha ugu tagay dhallinyaro kalluumaysato ah oo sii
fuushay markabka ka hor inta aan ciidanku gaarin, haseyeeshee, Cidanka Dowladda ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan Markabka, kana badbaadiyaan in hantida saaran ay gacanta u gasho dad shacab ah.
Waxaa isla habeenimadii 18ka July 2025 Dowladda la soo xariiray ganacsato reer Mogadishu ah oo sheegtay shixnadda Markab saaran, rabayna in la sii daayo Markabka. Sidoo kale, waxaa Dowladda la soo xarliray Safirka Turkiga u fadhiya Mogadishu kadib markii ay baxay xogta Markabka asaga o0
sheegay in shixnadda saaran Markabka ay leedahay Dowladda Turkiga. Sidaas darteed, ayaa Dowladda Puntland u ogaansatay in Markabka la keeno Dekadda Bosaaso si loogu sameeyo baaritaan dheeri ah. Waxaa kale oo xusid mudan in muddadaas, laga soo bilaabo 18kii July illaa Maantay oo ah 23ka July aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya wax war ah ka soo saarin, xiriirna nagala soo sameyn aaladda Markab iyo shixnadda uu sido toona, taas oo abuurtay shaki cidda leh shixnadda Markabka saaran. Haddaba, warqaddii maantay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeystay xogaha is khilaafsan ee shixnadda Markabka, iyada oo sheegtay in shixnadda Markabaka MV SEA WORLD ay qayb ahaan leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, qaybna ay leedahay TURKSOM.
Dowladda Puntland ayaa caddeynaysa in dhammaan shixnadda saaran Markabka MV Sea World ay tahay agab ciidan (Military equipment), aysanna ku jirin wax u muuqda alaab ganacsinoocay tahayba.
Dowladda Puntland waxay wali sii waddaa baaritaanka Markabka iyo cidda iska leh shixnadda si loo hubiyo in aysan ku dhicin gacmo u horseedi kara dhibaato amni iyo xasilooni-darro Dalka Soomaaliya. Dowladda Puntland waxay ku soodhaweynaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga in ay qayb ka noqdaan dhammeystirka baaritaan.
DHAMMAAD