April 7, 2026

Qarax ka dhacay kulyada jaale siyaad MUQDISHO,

 

Askar feel ku jirta ayuu saakay isku qarxiyay dhagar qabe kusoo dhex dhuuntey ciidan tababar uga socdey kulyada jaale siyaad,

Inkastoo qasaaraha dhabta ah ee qaraxani wasaaradu shaacin ,waxaa soo baxaya warar sheegaya qaraxu dhacay xili saraakiisha talyaaniga tababarka bixiya xerada joogeen,

Lama hubo saraakiisha talyaanjga ah feelka taagnaayeen oo uu qasaaraha dhinac kasoo gaaray iyo in kale hasse yeeshee dhagarqabaha is qarxiyay ayaa la sheegey in uu kamid askari safka ciidanka ku jirey,

Xeradan jaale siyaad dhowaan dhalinyaro tababar u socday ayay khawaarijta ku qarxiyeen kadib markii naftii halige loogu soo geliyay xerada, sidoo kale laba bil kahor xero Damaayo oo aan iyada ka fogeen oo dowladu isugu keentay dhalinyaro askarnimo loo qorayay ayaa horteeda lagu qarxiyay, kiisaskaasi baaritaan rasmiya oo lagu sameeyay lama sheegin, cid loo soo qabtay lama arag, meel uu ku dambeeyana lama oga,

Wasaarada gaashaandhiga maanta waxa ay sheegtey kiiskaan baaritaan ku sameen doonto sidoo kalena lasoo bandhigi doono xogtaasi, welise shacabka waxa uu sugayaa kiisaskii hore ee dhacay baaritaankiisa halka uu ku dambeeyay iyo cida loo ciqaabay,

Askartii difaaca dalka u tababaraneysey ayaa amnigooda la dayacayaa iyadoo kuwii furimaha jirey Dayac xoogan ka tabanayaan dowlada iyo wasaarada gaashaandhiga,

Aqoon daro iney jirto iyo kas waxay tahayba waa dhibaato sidan

Oktoober