April 6, 2026

Qiimaha Jaayga dhismaha ayaa qaaliyoobay MUQDISHO, sabab?

Qiimaha dhegaxa jaayga dhismaha Muqdisho ayaa qaali-yoowday kadib markii maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’adda NISA, halkii gaari loo dul saaray lacag dhan $50 sharci aheyn,

Bilahii lasoo dhaafay qiimaha 1 gaari Jaayga magaalada Muqdisho $300 ayaa la kala iibsanayay, hasse yeeshee amarkan kasoo baxay xafiisyada Gobolka iyo Nisa ayaa bishan Agoosto koowdeeda kadib looga dhigey $350 doolar iyadoo lacagta qaadayaan isla ganacsatda kaawada oo u ururineysa masuuliyiintaas,

Mid kamida shaqaalaha shirkadaha ka ganacsada jaayga ayaa ii xaqiijiyay in qiimaha la kordhiyay balse iyagu aanu wax sameen ah ku yeelan, “ halka gaari $300-dii sidii ayaan u qaadaanaa, ee macaamiisha dhismaha ayaa $50 lagu kordhiyay dowlada ayaana qaadata “ ayuu yiri Abdulahi dheere

Dhaqaalahan dheeriga ah ee laga qaado ganacsatada iyo shirkadaha dhismaha ma ahan kuwa ku dhaca sanduuqa maaliyada dowlada faderaalka, waa dhaqaale gaara oo qof shaqsiya loo dul saaray shacabka, masuuliyiinta ll hay’addo iyo wasaarado badan dowlada faderaalka ka tirsan ayaa sidaa sameeya,iyadoo shacabku wax dooda ka keenin,

Qiimaha $50 doolar ee lasoo kordhiyay shacabka iyo ganacsatada laga qaadayo ma ahan shaqaale sharci ah, mana waafaqsana xeerka maaliyada dalka ma sidoo kalana akoon dowladu leedahay kuma dhacaayo dhaqaalahaasi, si kale hadaan u dhigo waa laba il dhaqaale oo ay gaar u leeyihiin Agaasime Mahad Salaad iyo Gudoomiye Muungaab,

Isku soo wada duub, dhaqaalaha ku baxa dhismaha guryaha iyo wadooyinka muqdisho ayaa ah kuwa aad uga qaalisan dhaqaalaha kubaxa dhismayaasha ka socda gobolada kale ee dalka, sidoo kale Qaarada Africa marka la eego qiimaha dhulka iyo dhismaha guryaha muqdisho waa mid in badan ka qaalisan magaalooyin waa ween ee dhaca africa iyo Asia, kuwaasoo shacabka ku nool ku heestaan amni buuxa iyo shaqooyin macquula,

OKTOOBER24