April 6, 2026

QISO MURUGA LEH: 25 jir xaamilo ah ayaa wada Tahriibeynaa maanta, qoraa Daahiye

25sano jir uur leh oo tahriibeyso waa adduun!

Safarka waxaa igu wehlineyso oo kursiga bidixda iga xiga fadhida hooyo uur leh, oo da’deedu tahay 25 sano isla markaana dhawaan ka qalinjabisay mid kamid ah jaamacaddaha ugu waaweyn dalkeena soomaaliya.

8bilood ka hor adeerkeed aabaheee la dhashay ayaa ku darsaday wiil uu dhalay oo xoogaa madaxa looga jiray, gurigi loo dhisay gabadhan kuma aysan raagin Calafki ayaa meesha ka baxay waana la furay mudo gaaban gudaheed, sideey ii sheegtey.

Nasiib darro, gabadhan yar waxaa lagu hoos dulmiyey harkii Sinaanta iyo caddaaladda ee dowladnimada, 2 sano iyo bar ka hor ayaa laga eeyay shaqadi iyada oo lagu bedelay qof kale oo mas’uulkii hey’adda ugu sareeeyey Xigto ama qaraabo dhaw ahaayeen,

Waxay ii sheegtay in aabbaheed qarixii 2aad ee zoobe uu ku dhaawacmay, isagoo naafa ah oo la qaadayo
la gedinayo guriga u dhex yaallo, 2wiil iyada la dhashana mid wuxuu ku dhintay Dagaalkii ceel Baraf, wiilki kale na wuxuu muddo 7bilood ah xabsiga ugu jiraa nin qaabada ah oo lacag deyn ah ku yeeshay.

Kaaga darane gabadhan, rajo-nimo ayay ku kortay, sanadii 2012-kii ayay hooyadeed ku geeriyootay isbitaal ku yaala dalka Hindiya oo loo geeyay dawo caaafimaad balse teedii timid,

Waxaa weydiiyey iyada oo sii koreysa diyaarada aabbe yaa uga soo tagtay? Maadaama wiilashi kula dhashay mid dhintay midna uu xiran yahay.

“2 habood ayaa nahay reer ahaan bahda weyn ayaa heyso aabbe si aan qeyb uga noqda dadka haayo
Ee ku bixinayo dhaqaalaha aabbe ayaa ugu socdaa dibadda oo aan u tahriibayaa maanta,

Maanta waxay ku jirtaa Raxmo safar murugo iyo rajo isku jir ah waa xaamilo ugub ah, talaabta ay dhibeyso kuna sii jeeda dalka Masar si ay u tahriibto una hesho nolol ka duwan mida hada qoyskeedu ku jiraan iyaduna kusoo kortay,

Masar waxaa waayadan loo arkay meel ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka helaan fursad dhif iyo naadir ah oo ay ku raadsadaan nolol sharaf leh iyo mustaqbal ifaya.

Aniga oo u sii sida boorsada iyaduna ay balbalka
iiga dhegan tahay, gacanta midig qabow darran uu jiro,talaabadana ay dhulka ku xasilineyso ayaa aniga oo og dhibaatada tahriibka hadana waxaan si kaftan ah u weydiiyay, Tahriibka waxa aad kala Kulmi doonto ma qiyaasi kartaa Raxmo?

Raxmo Tahriibka waxaa ku jira khataro badan oo qofka af, maalkiisa iyo maskaxdiisa wax u dhimi kara. Waxyaabaha ugu waaweyn ee aad kala kulmi karto waxaa ka mid ah:

Khatar Naf,geeri iyo Nolol qurux badan oo isku lamaanan waxaa lagu dhiman karaa badda, lamadegaanka, gaajo, haraad ama cudur waa suuragal in lagu sii kufsado dhammaan intaas waa ogahay haddan tii igu heysatay dalkeygi hooyo waxba kama duwaney.

Dhibaatada dhallinyarada soomaaliyeed heysato dulmiga eex nin jecleysiga, qabiilka iyo sida loo suurad xumeeyey dowladnimada kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo nolol raadis ah,
Kana soo baxsaday xabsiga shaqo la’aan ayaa Qeyb ka ah safarka.

Xigasho/ Daahiye Abdikadir Dhaqsade