April 7, 2026

Raisul wasaare Hamze ma afduub ayuu ku joogaa xafiiska

Waa Afduub mala dhihi karaa?

Taliyaha madaxtooyada gaashaanle maslax maxamuud ayaa gebi ahaanba soo rogay nidaam lagu mamnuucayo 5:00 galabnimo wixii ka dambeeya shaqaalaha xafiiska Raisul wasaraha kuma soo laaban doonaan xarunta,booqashana ma jiri doonto waqtigaa kadib ( No Entry ⛔️)

Sidoo kale gebi ahaanba taliyaha waxa uu burburiyay maqaayadahii yaryaraa ee ka furnaa xafiiska raisul wasaraha oo ay shaqaalaha iyo martida ka cuni jireen cunooyinka fudfudud, maadaama dadku ku daahaan shaqada iyo sugida balamaha safka dheer loogu jiro,

Arinkaan waxa ay marka hore saameyn dhaqaale ku yeelan doontaa shaqaalaha xafiiska raisul wasaaraha ee laga rabay shaqo 8 saacadood ah, kuwaasoo marka ay soo daahaan subaxii suulka saara, saacado shaqo ah kadibna banaanka usoo baxa, si ay magaalada uga soo cunteeyaan una helaan nasiino, iyo sidoo kale culees ayay ku tahay shaqaalaha dano gaara uga bixi jiray xafiiska RW, iyadoo ay jiraan kuwa kale howlo shaqo xafiiska banaanka uga doona, Hadaba maanta kadib, shaqaalaha soo daaha ee gelinka hore suulka saarta iyo kuwa howlaha loo diro waa qasab shanta isaga huleelaan xafiiska raisul wasaaraha, mana heli doonaan fursadii saacado buuxiska ahayed ee lagu dheeraanayay xafiiska,( dhankaasi waa top ), waa hadii loogala jeedo nidaamkan,

Culeesaadka imaanaya

-Shaqaalaha xafiiska RW hadaanu maqaayad ka helin xafiiska dhexdiisa ama loo ogolaan in maqayadaha dibadda cunto ka dalbadaan waa ku adkaan doonaa xaalka, waxa ayna noqon doontaa marka hore guryaha kasoo cabeestaan cunto, boorso iyo bacyoowgii yurub ayaana bilaaban kara,( isku tashi)

-Dhinaca kale culees ayay dareemi doonaan dadka soo booqda xafiiska raisul wasaraha, iyo ciidanka ilaalada oo waayi doona cunooyin fudud iyo kofeega nafta lagu sii sasabi jirey,

-Waloow gabdhaha xoogsatada maqayadaha xafiiska shaqa la’aan laga dhigay, hadana nidaamka iyo amniga in la dhowro waa arin wanaagsan tallabadan, dhinaca kalese waxa la leeyahay taliyaha isaga ayaa maqaayad u gaara ka furanaya xafiiska raisul wasaaraha, oo tallaabadan waa tii uu wayadan waday qof tuur oo keen qaraabada,

•Tallaabooyinka cusub ee Taliye Maslax kusoo rogay Xafiiska ra’isul wasaaraha dalka ;-

1-Xafiiska Raisul wasaraha bilwogii sanadkan waxa Laga wareejiyay sameenta kaararka booqashada iyo shaqaalaha xafiiska rw,[ madaxtooyo ayaa sameysa]

2-Markale xafiiska Raisul wasaraha waxa laga qaaday hubinta koontoroolka dadka soo galaya xafiiskiiisa [ madaxtooyo ayaa kaantaroosha ],

3-Bil kahor waxa Laga bedelay taliyaha ilaalada xafiiskiisa iyadoona mid cusub loo magacaabay, [ madaxtooyo ayaa soo xulatay],

4-Maantana nidaamkan cusub ayaa lagu soo rogay shaqaalaha iyo dadka soo booqda xafiiska Raisul dalka,[ madaxtooyada ayaa gaartay go’aankan],

Oktoober in mudo ah indha ku haysa culeeska saaran xafiiska raisul wasaaraha waxa ay aminsantahay in taliye Maslax arimahan uu kala jeedo koontorolka iyo gacan ku haynta dhaqdhaqaaqa xafiiska raisul wasaaraha oo looga cabsi qabo in uu boodo waqtigan gebagebada ah iyo is’jiid jiidka doorashada,

Sidoo kale booqashada siyaasinta isaga la haybta ah ee kala guurka soo aadi doona xafiiska raisul wasaaraha ayaa laga baarandagaya sida loo adkayn lahaa, inaanu soo gelin xafiiska dad maskaxda ka bedeli kara hamza oo ay madaxtooyada borogaraamisay sanado kahor,

Rw Hamza intaa la gaarin Mw xasan hasoo dhaafo Taliye maslax ayuu yiri mid kamida saraakiishii hore xafiiska raisul wasaaraha Oktoober uga waramay arinkaan,

Maxay kula tahay adiga?

WQ Oktoober24