April 7, 2026

Ra’iisul wasaaraha kala guurka oo Qasriga AL WATAN ee Abu Dhabi ku sugan

Ergo uu Hogaaminayo Raisul Wasaare hore soomaaliya Cumar Abdirashiid ee loo xushay dhex dhexaadinta Villa soomaaliya iyo Abu dhabi ayaa weli ku sugan Qasr Al Watan guriga martida iyo madaxtooyada Abu dhabi ee dalka imaaraatka carabta,

Kulamada gaarka ah uu Omar Abdirashiid maalmahii lasoo dhaafay la yeeshey madaxda sare ee dalkaasi imaaraatka, ayaa lagu sheegey laba kulan muhiim u ah wada-hadalada u furmay muqdisho iyo Abu dhabi oo mudooyinkan kala maqanaa, hasse yeeshee wax faahfaahin rasmiya kama aysan helin Oktoober qodobada laga hadlay,

Inkastoo villa soomaaliya dirsatay ergo dhowr ah hadana Raisul Wasaare omar ayaa loo arkay shaqsiga kaliya ee imaaraatka iyo xasanba si kalsooni leh ugu kala dab qaadi kara, maadaama uu yahay siyaasi qunyar socod ah dhinacayadana lasoo shaqeeyay,

xulashada villa soomaaliya ee cumar abdirashiid oo mucaarad ah ayaa lagu sheegey in mw xasan sheekh maxamuud uu go’aansaday shaxdiisa siyaasada u yeelo dhadhan cusbo si uu uu u xaqiijiyo ajandayaashiisa siyaasada mustaqbalka dhow iyo doorashada,

-Dowlada Imaaraatka, in la la hishiiyo waa u dan villa soomaaliya dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan culees xoogan ayaa dhinacayadaasi ka heysta oo uu madaxweynaha isaga dejin karaa,

-Dowlad goboleedyada Mucaaradka, in la la hishiiyo waa u dan mw xasan sheekh iyo xakuumadiisa, waxeysa uga xiran tahay hishiiska villa soomaaliya iyo imaaraatka carabta la xaqiijiyo maadaama Italy gacanta ku hayaan jubaland, Puntland iyo mamaulka somaliland culees ku ah faderaalka,

-Cumar Abdirashiid isagu waa Raisul waaaraha u xulan xasan sheekh ee lagu qancin doono dowlad goboleedyada iyo imaaraatka hadii sida loo qorsheeyay imaaraatku aqbalo,

-Mudo kordhinta labada sano ah oo uu mw xasan sheekh qorsheetay ayuu ku bedelanaya shaxdaan cusub ee cumar abdirashiid lagu keenayo,kahor teendhada intaana la gaarin,

-Mucaaradka, shaxdaan Cusub iney la falgalaan oo ay is-hortaagaan waqti iyo dhaqaale dheeriya ayay uga baahantahay mana hayaan awood kale sida muuqata, xitaa doorashada teendhada iskama difaaci doonaan xasan,

-Xildhibaanada faderaalka, shaxdan cusub fursat ayay u tahay marka la eego mudo xilkeedkooda oo dheeranaya iyo dhaqaalaha villa soomaaliya kusoo galayo hishiiskan ,

-Hamza, Ra’iisul wasaaraha matalaada isagu isma casilaayo ismana difaacayo waa xasan oo xasan la jilaaya filin mudo afar sano ah soo socday ayay kuleedahay Oktoober,

 

feysal abdi

Oktoober,