Muqdisho – Dad badan ayaa si adag uga falceliyay safafka dhaadheer ee shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan helista Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA ID), gaar ahaan xilliyada habeenkii, iyadoo la arkayo hooyooyin, dhalinyaro iyo dad da’ ah oo safka ku jira saacadaha 1:00 ilaa 2:00 habeenimo, arrin loo arkay shaqo xumo iyo nidaam la’aan baahsan.
Baahida shacabka
Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay si gaar ah ugu baahan yihiin kaarka NIRA maadaama uu muhiim u yahay adeegyo badan sida helitaanka shaqo, safar, daryeel caafimaad, iyo xitaa diiwaangelinta SIM-ka telefoonka. Hooyooyin iyo dad danyar ah ayaa sheegay in ay safka u galaan si ay uga faa’iidaystaan fursadahaas, maadaama waqtiyada maalinta safku aad u dheeryahay.
Mid ka mid ah haweenka safka ku jirtay ayaa tiri:
“Carruur baan heystaa, maalintii shaqo baan u tagaa, habeenkii kaliyaan fursad u helaa inaan safka galo.”
Eedeymaha musuqmaasuqa
Baahinta sawirrada iyo muuqaallada muujinaya safafka habeenkii ayaa dhalisay tuhun ah in hay’adda NIRA ay ku lug leedahay musuq iyo laaluush, iyadoo dad badan ku eedeeyay in adeegga la dedejiyo si lacago lagu bixiyo. Waxaa sidoo kale laga walaacsan yahay in bixinta kaararka xilliyada habeenkii ay keeni karto ammaan darro iyo xog khaldan oo la geliyo nidaamka.
Hay’adda NIRA oo difaacday
Hay’adda NIRA ayaa war qoraal ah ku sheegtay in ay 24 saac u adeegayso shacabka, si loo hubiyo in qof walba uu helo kaarkiisa waqtigiisa, ayna tahay dadaal lagu doonayo in lagu yareeyo ciriiriga iyo cabashada shacabka.
Balse khubaro arrimaha maamulka iyo amniga ah ayaa ku tilmaamay go’aankaas “mid degdeg ah oo khatar leh,” maadaama xarumo badan oo caalami ah sida cusbitaalada iyo booliiska oo kaliya ay shaqeeyaan 24/7, halka adeegyada noocan ah ay u baahan yihiin xakameyn iyo habraac adag.
Talo iyo digniin
Qaar ka mid ah bulshada rayidka ah iyo falanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa soo jeediyay in bixinta kaarka NIRA la tartiibiyo, laguna sameeyo nidaam cad oo leh la socod iyo hubin rasmi ah, si looga hortago in nidaamka aqoonsiga uu noqdo marin u fudud khawaarijta ama kooxaha danaha gaar ah leh.
Mohamed Cabdi, oo ah falanqeeye amni, ayaa yiri:
“Soomaalidu muddo dheer ayay shuruucda ka fogaatay, haddana in ay saf dheer ugu jiraan aqoonsi aan la hubin, waxay muujinaysaa qorshe qarsoon. Dowladda waa inay feejignaataa.
In kasta oo bixinta kaarka NIRA ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dowladnimo iyo aqoonsi qaran, haddana qaabka loo fulinayo ayaa weli ah mid walaac badan dhaliyay. Bulshada iyo hay’adaha amniga ayaa ugu baaqay dowladda in barritaan madax bannaan lagu sameeyo nidaamka bixinta, si looga hortago musuq, xog khaldan iyo khatar amni