April 6, 2026

Saraakiil hore boosaaso iyo Muqdisho kula dagaalayay dowlada oo hada Barakicinaya saraakii dowlada ka difaacay iyo shacabka muqdisho,

Kadib laba maalmood oo xiisad adag ka taagnayd dhulkii Dab­damiska ee degmada Hodan, halkaas oo dad shacab ahi is-hortaag ku sameeyeen dhisme dowladdu bilaabi rabtay, waxaa goobta gaaray Taliyaha Booliska Soomaaliya, Jen. Asad Diyaano, iyo Taliyaha Qaybta Guud, Macallin Mahdi. Labada sarkaal oo warbaahinta kula hadlay goobta ayaa shacabka iyo ciidanka ugu baaqay in dhulka dowladda la baneeyo islamarkaana nabadda lagala shaqeeyo hay’adaha amniga.

Jen. Asad oo Muqdisho muddo kooban joogay ayaa hore u dhistay dhulkii Saldhigga Degmada Waaberi, halkaas oo qoys uu isagu leeyahay guri looga dhisay, iyadoo ciidamadii halkaasi deganaa la raray. Sidoo kale, waxa uu dhawaan la wareegay xaruntii waaxda Axmed Guray ee loogu adeegayay shacabka Hodan.

Taliye Asad oo shacabka iyo saraakiisha hortooda ka hadlay ayaa yiri: “Haddii aad ku sugantahay dhul dowladeed ka guur, sharciga nagala shaqee… Muqdisho maanta sidii shan sano ka hor maaha, dhisme ayaa socda.”

Hase ahaatee, shacabka iyo qaar ka mid ah saraakiisha booliiska ayaa ku eedeeyay Taliyaha in dumarkii iyo carruurtii degganaa Dabdamiska uu barakiciyay, iyagoo sheegaya inay ahaayeen qoysaskii askartii dhiigooda u huray nabadda Muqdisho, halka isaga la sheegay inuu degay xaruntii Axmed Guray ee loogu talagalay adeegga bulshada.

Eedaha ugu waaweyn ayaa ah in sharciga dowladdu u muuqdo mid u adeega dadka awoodda leh, halka shacabka iyo ciidanka danyarta ahi dareemayaan in xuquuqdoodii hoyga lagu tumanayo.