April 7, 2026

Saraakiil loo soo xir-xiray qaraxii loo dhigay kolonyadi madaxwaynaha !

 

Xogaha hoose ee kasoo baxaya laamaha amniga soomaaliya ayaa lagu sheegay ku dhowaad 8 qofood loo soo qabqabtay qaraxii lagu beegsaday kolonyadii madaxwyanaha,

Tuhunsanayaasha 8 ruux ee lasoo xirxiray oo uu baaritaanka ku socdo ayaa lagu sheegay in uu kamidyahay mid kamida ciidanka sirdoonka hay’adda NISA oo darajadiisu tahay kabtan, daganaa dhowr sano gurigan qaraxa lagu xiray,

sidoo kale 1 qof oo kamida kỉreestayaasha dhow ee guriga ahna mid kamida milkiilayaasha leh mid kamida ganacsiyada hoose ee afarta ( dukaan) ayaa loo soo xiray tuhunka qaraxa lagu dhisay guriga oo ah mid loo maleegay kolonyada madaxwayanaha,

Tuhunsanayaasha maqan ee lagu raad joogo waxaa kamida sarkaal 2 xidigle tirsan ciidanka sirdoonka NISA kaasoo isagana saaxiib dhow la’aha kabtanka xiran ee oo ay mudo dhowr sano ah wada-deganaayeen gurigan qaraxa lagu xiray,

Marka laga soo tago in labadan sarkaal ee hay’adda NISA kawada tirsan in mudo ah gurigan wada-deganaayeen ayaa xogtu ku dareysaa in ragani yihiin laba nin oo isku heyb ah, ( 1 mid mqane ah )

Sidoo kale dadka lasoo xirxiray ee baaritaanka ku socdo ee hore usheegnay waxa kamida nin garwyn oo khamiis xirnaa kaasoo wadada taagnaa xiliga qaraxu dhacayay ,madaama la rumeeysan yahay qaraxan guriga lagu xiray yahay mid laga maamulay remote control isagana baaritaano raamiya ayaa lagu wadaa,

Gurigan Qaraxa lagu xiray xogtiisa waxaa kamida in uu ahaa guri saraakiishii hore ee Madaxtooyada ciidamo saari jireen gaar ahaan xiliyada madaxwayanahii hore wadadan maraayo ama wafdi sare, sidoo kale xogtu waxa ay sheegeysa in sarkaal kamida dowladan uu dhowr jeer soo jeediyay gurigan ciidan la saaro hasse yeeshee saraakiisha sar sare ee villa soomaaliya ka dhega adeegeen,

Qaraxii foosha xumaa ee kolonyadii madaxwaynaha lagu beegsaday ayay xogta dowladu kusheegeen geerida 8 ruux shacaba mid kamida yahay 1 wariye guriga dhinac ka deganaa, sidoo kalena 3 kamida ciidanka madaxtooyada ayaa dhaawacyo fudud kasoo gaaray, burbur lixaad leh ayaana soo gaaray dhowr guri oo ka ag-dhowaa guriga qaraxa lagu xiray,( xogaha qaar ee madaxawbanaan ayaa sheegaya geerida in kabadan 30 ruux shacaba laakin ma aanan xaqiijin),

Qormadan qormada xigta waxaan kugula wadaagi doonaa sida qaraxu u dhacay, sida saraakiisha uga fakceliyeen, gawaarida masaafada isu jireen, falcelinta madaxwyanaha qaraxa kadib, inagoo soo xiganayna saraakiisha madaxtooyada ee goob joog ka ahaa dhacdadan foosha xun ee kooxda khawaarijta ku dhibaateeyeen dad soomaaliyeed.

Share garee
aragtidaada noo reeb

WQ Oktoober