April 6, 2026

Saraakiil musuq looga joojiyay shaqada Madaxtooyada Soomaaliya,

Villa Soomaaliya waxaa ka soo baxay buuq iyo isqabqabsi culus oo u dhexeeya Agaasimaha Madaxtooyada iyo istaafka gaarka ah ee Madaxweynaha, gaar ahaan Abdirisaaq “British” iyo Hinda Culusow. Labadan sargaal ayaa la sheegay in shaqada laga joojiyay kadib qaladaad dhanka habmaamuuska ah oo dhacay intii lagu jiray safarkii Madaxweynaha ee Jabuuti.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in labada sargaal ay si toos ah liiska wafdiga ugu dareen shaqsi uu Madaxweyne Xasan Sheekh horey uga diiday inuu la kulmo, iyadoo sidoo kale la sheegay in uu muddo wacayey telfoonka Madaxweynaha balse uusan ka jawaabin. Shaqsigaas lagu soo daray liiska ayaa la fariisiyay kursi kasoo horjeeda kan Madaxweynaha, taasoo keentay in safarkii uu Madaxweynuhu ku dhameeyo caro iyo cabasho ku saabsan arrintaas.

Kadib, safarkii Jabuuti ku gaaray madaxwyenaha,ayaa la sheegay inuu aad uga caroodey cidda shaqsigaas diyaarada u soo saartay. Agaasimaha Madaxtooyada, Maxamed Aamiin, ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya in tallaabadaas si qarsoodi ah loo sameeyay. Sidoo kale, waxa uu eedeeyay carruurta Madaxweynaha oo uu sheegay inay ku lug leeyihiin sameenta nidaam ballamo laaluush lagu qaato taasoo ay ka qabtaan Madaxtooyada.

Madaxweynaha oo si weyn uga carooday arrintaas ayaa la sheegay inuu shaqo joojin ku sameeyay xubno dhowr ah oo ku lug lahaa fadeexadda, waxaana la filayaa in isbeddel lagu sameeyo maamulka sare ee Madaxtooyada.

Muddo ku dhow saddex sano oo ay carruurta Madaxweynaha buul ka dhigeen wasiirrada iyo agaasimayaasha Madaxtooyada, ayaa hadda la soo bandhigay qaladaad dhowr ah iyo caddeymo muujinaya ballamo laaluush lagu helay, kuwaasoo ah ganacsato iyo siyaasiin iibsaday iney la kulmaan madaxwaynaha,

Masuul ka madaxwyanaha loogu saaray diyaarada ee iibsaday ballantaas safarka ah magaciisa dib ayaan u dhignay arimo jiro awgood,