April 9, 2026

Saraakiisha dowladu weerari doonto dhowaan iyo sagaal loo xil saaray weerarka

Taliye Macalin Mahdi ayaa ka cudur daartay hogaaminta howlgalka guryaha looga saarayo saraakiishii hore dowlada ee degan agagaarka airport muqdisho ee Adden Adde Airport,

Macalin mahdi waxa uu fariin qoraal la wadaagay Gaashaanle Maslax maxamuud taliyaha guutada 77 ee madaxtooyada soomaaliya kaasoo amray in ragaan dhaqso looga kiciyo dhulka danta guud,

Fariinta uu macalin mahdi qoray ayaa lagu soo koobay “ taliye ragan waa hubeysan yihiin, mana ahan kuwa hadal ku baxaya, dagaalka xal maaha waxa uuna sameen karaa guud ahaa magaalada gaar ahaan garoonka diyaaradaha, ma rabo inaan dhibaatadaas horeeed ka noqodo “

Gaashanle Maslax ayaa maalin kahor hogaanka howlgalkan ku wareejiyay Taliye shuceyb oo heysta qaybta taliska Waliyoow cadde ee gobolka banaadir, sidoo kalena taliyaha waxa la farey in uu la yimaado ciidamo ururis ah oo howlgalkan soo afjari kara saacado kooban,

Saraakisha hore iyo mucaaradka qaar kamida diyaar garow hub urursi ayay sameeyeen asbuucyadii lasoo dhaafay waxana lasoo warinaya iney difaac mida ka galayaan howlgalkan soo socda oo noqon kara mid kusoo faafa xeyndaabka siyaasiyiinta degenyihiin iyo airportka,

Shuceyb waa taliye hore loo soo saaray maxkamad kadib markii lagu eedeeyay toogashadii bareerka aheyd ee lagu dilay gudoomiyahii hore degmada Hodan Aun Abdikariin Dhagajuun kaasoo dhowr sano xabsiya loo jaray,

Dhinacayada isu hub urursanaya waxaynu leenahay nabada halaga shaqeeyo dadka yaan la barakicin,

Oktoober