April 6, 2026

SAXANSAXO DHOWAAN ISKA DHIIBAY DAL YURUB AH AYAA LOO MAGACAABAY AFHAYEENKA RAISUL WASAARAHA

 

Agaasimihii hore ee Telefishanka Jubaland, Abdinasir Axmed Saxansaxo, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii dhowaan uu xilkan u magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Saddex Sano oo Magangelyo Doon ah – Dib ugu soo laabasho Dowladda

Saxansaxo ayaa muddo saddex sano ah ku sugnaa dalka Ireland oo uu u joogay magangelyo-doonimo, ka dib markii uu hore uga tagay Soomaaliya sababo amni.

Hase yeeshee, si lama filaan ah ayuu dib ugu soo laabtay dalkii uu isaga cararay, isagoo maanta ah Afhayeenka rasmiga ah ee Xukuumadda Federaalka.

Arrintan ayaa noqotay mid si weyn looga hadlayo gudaha dowladda, maadaama Saxansaxo uu noqonayo qofkii ugu horreeyay ee qaxooti ku ah dal Yurub ah, haddana xil sare ka qabta dowladda Soomaaliya.

Hab-Tahriib Sharci ah – Shaqaale Dowladeed oo Yurub Isdhiibay

Warbixin baaritaan oo ay bishii lasoo dhaafay sameysay Warbaahinta OKTOOBER24 (warbaahin dabagalka ) ayaa daaha ka qaaday in:

  • Boqolaal shaqaale dowladeed lagu tahriibiyay shirarkii dibadda uga furmay dowladda.
  • Shaqaalahaasi markii ay tageen shirarka dibadda, ay isdhiibeen oo ay codsadeen magangelyo dalalka Yurub.
  • Qaar ka mid ah weli ay qaataan cayrta Yurub, halka mushaarkii dowladda Soomaaliya loogu shubo akoonadooda Muqdisho.

Arrintani waxay dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan maareynta shaqaalaha, isticmaalka kharashaadka safarada, iyo heerka musuqmaasuqa ka jira nidaamka shaqaalaha federaalka.

Saxansaxo: Ka Tirsanaa Tahriibayaashii — Kan Kaliya ee Ku Soo Laabtay

Inkasta oo uu Saxansaxo ka mid ahaa dhalinyaradii hab-tahriibka sharciyeysan ee loo adeegsaday shirarka dibadda:

  • Isagu waa shaqsiga keliya ee ku dhiirraday inuu dib ugu soo laabto dalka,
  • Xil sare ka qabto dowladda,
  • Islamarkaana wajaho saaxadda siyaasadda ee Muqdisho.

Arrintan ayaa abuuraysa dood ah in dowladda Federaalka ay dib u qiimeyso siyaasaddeeda shaqaalaha, gaar ahaan kuwa baxsada ee haddana si gaar ah u qaata mushaarka dowladda.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo aan ka warqabin?

Ilo siyaasadeed oo dhow ayaa sheegaya in:

  • Ra’iisul Wasaaraha uusan si buuxda u ogeyn qaar ka mid ah arrimaha noocan oo kale ah.
  • Waxaa lagu tilmaamay “siyaasi ahluldiin ah” oo aan aqoon u lahayn musuqmaasuqa farsamaysan ee ka dhex jira hay’adaha dowliga ah.

Warbixintan ayaa ka mid noqonaysa arrimaha ugu xiisaha badan siyaasadda 2025, iyadoo Saxansaxo uu hadda wajahayo mas’uuliyad qaran oo culus, halka shacabka iyo saxaafaddu ay si dhow u eegayaan safarkiisa qaxootinimo iyo soo noqoshadiisa siyaasadeed