April 7, 2026

Ciidan iyo shacab Baasuke wata ayaa la wareegay suuqa iyo agagaarkiisa

Dhulka SIINAAY yaa la siiyay?

Bankiga dhulka iibsaday oo amnigiisa u baqaya ayaa madaxweynaha ka codsaday in la kala qaado ciidamada isku hor fadhiya Suuqa Siinaay, sidoo kalana wadahadal lagu dhameeyo arinkan,

Sidaa wada ogsoonahay dhulalkii hore ee dowladu xaraashtay Primer Bank ayaa ku habsaday kuwaasoo dhaqaale xuma xoogan kasoo wajahday dhulalkii ay iibsadeen oo la waayay cid kasii iibsata, sidoo kalana dhismayaal badan Bankiga ka dhisi lahaa muqdisho ayaa istaagay dhaqaale xumo darteed,

Dhul boobka Muqdisho waxa hada kusoo biirey mid kamida Bangiyadii waa weynaa ee dalka kaasoo gacanta ku haya dhaqaalaha ummada soomaaliyeed, wadadaadan Bankiga leh waxa ay xiligan fursat u arkaan in ka faa’iideestaan dhaqaale xumada dowlada soomaaliya ay wajahayso iyagoona barakicinaya shacabkii lacagahooda ku shaqeesanayeen,

Dhulalkii hore shacabka looga barakiciyag, dowlada waxa u fududeeyay dhaqaalaha xoogan ee bankiyadu siiyeeb siyaasiinta iyo dadka ku kicinaya bulshada, hadase shacabka ayaaba qoryo toos u soo qaatay si ey isaga difaacaan dowlada iyo ganacsatada,

Bankigan dhacaya dhulka Siinaay markiisii hore wuu diidey bixinta lacago lagu kala furdaamiyo siyaasiinta hortaagan isagoo ka baqaya dhulka lacag xoogan uga baxdo taasoo keeni karta qasaare lamida kii ku dhacay bangiyadii hore ee ku qasaaray dhulalkii ay boobeen,

Shacabka Siinaay waxa ay tusaale u noqodeen shacab badan oo dhulka laga barakiciyay iyo kuwa hada lagu soo socdo, waxana suurtagala muqdisho ka asaasmaan kooxo muqaawamo is urursadey oo dib u weerara ganacsiyada bankiyada dhulka iibsaday iyo shirkadaha ku lugta leh barakicintaan,

Bankiga magaciisa inaad iweydiineyso waa ogahay waadse taqaanaa, lakin Oktoober waxa ay baaris xoogan ku wadaa shaqsiga wakiilka ka uga bankiga ah dhulka siinaay, lacagaha uu banki bxiyay iyo dhulka cabirkiisa, markaa ayaana isa soo raacin doonaa,

OkTOOBER24