Maxaad u baxsatay magaca Wadani-hore ayaan weydiiday saaxiibkeey? QISO
Nin sxbkay ah oo xalay ismaqalney ayaa intaa sheekeenayay waxa uu iisheegey taariikh musuq leh ee soomaaliya iyo Afrika ka qabsatay xili uu ahaa arday waxbarasha u aaday mid kamida dalalka afrika,
Sxbkeey oo magaciisa kusoo koobay WADANI-hore waxa uu ahaa arday kabaxay mid kamida Jaaamacaddaha dalka, kadib na shaqo ayuu ka helay mid kamida wasaaradaha ugu muhiimsan dowlada soomaaliya, Nasiib ayuu u yeeshay in uu noqdo shaqaale mushaari ah muhiimna u ah wasaaradda, sidaa ayaana loogu sameeyay baasaboor shaqaale dowladeed, Ex-Wadani oo ahaa nin waxbarashada aad u jecel mudo kadib waxa uu go’aansaday in uu waxbaraahada heerka labaad dibadda kusoo sameeyo,waxa uuna doortay mid kamida dalalka aanu dariska nahay ee ciidamadoodu soomaaliya nabad ilaalinta ku joogaan,
Kahor safarkiisii jaamacadda dibadda waxa uu ku dhaqaaqay sameenta dhowr arimood muhiim u ahaa aqbalaada jaamacadda, sida tasdiiqinta shahaadooyinka iyo dokomintiyo kale muhiim u ahaa, wasaarada waxbarashada, hay,addaha kale iyo arimaha dibadda dalka ayuu mid mid uga soo sameestay warqadahiisa isagoona bixiyay lacagaha adeega,
Waa uu dhoofay, kadibna waxa uu guda galey siduu isaga diiwaan gelin lahaa jaamacadii uu doortay, durbadiiba caqabadii ugu horeysay ayaa noqotay baasaboorka shaqaalaha dowlada ee uu ku safray, safaaradda soomaaliya ee dalkaa ayuu tagay waqti iyo qarash kadib, mudo kooban oo uu sugayay waxa usoo baxay baasaboorka caadiga ahaa sidaa ayuu markale howshii diiwangalinta u sii guda galay,
Ex-Wadani jaamacadii ayuu markale ula tagay baasaboorka cusub, isagoo isleh maanta ayaad toos lagu diiwangelinayaa ayay jaamacaddii markale weydiisay in uu soo tasdiiqiyo shahaadadiisa dugsiga sarre ee soomaaliya, ninkii WADANI oo yaaban ayaa yiri “ shahaado jaamacadda heerka koowaad ayaa soomaaliya ka wataa oo tasdiiqsan ee maxaa looga baahanyahay mida dugsiga sarre ee Soomaaliya “ maamulka jaamacadda ayaa ku wargeliyay in arinka uu yahay xeer iyo nidaam jira, sidoo kalena tahay mid safaaradda soomaaliya iyo dowlada kula hishiiyeen, si loo hubiyo ardayda soomaaliyeed ee dalkan jaamacadaha u imanaya,
Nin qurbaha ku cusub maahiye, anigoo aad u amakaagsan xariif na iska dhigaya ayaa ku iri “ fiiri halkan, waa website-ka dowlada soomaaliya ee Online ka ah , ee geli Rool lambarkayga iyo shahaadada intuba iyagoo tasdiiqsan ayay ku jiraan online ka, “ intaan hadlayay ayaan maamulka jaamacaddda Comouterka ka tusay website dowlada iyo cadaymaha waxa ay iga rabaan“ waxaasoo dokomintiyo dowladeed ah waa la iiga qanci waayey, maamulka jaamacadda oo doodeyda dhibsaday ayaa igu yiri “ waxa dhan iska dhaaf, Safaarada soomaaliya tag oo kasoo qaado warqad cadeynaysa shahaado waxbarasho” warka meesha ku xir…
Sidaa ayaan kusoo baxay, afka aadiyat safaaradda soomaaliya ee dalkan jaamacadda usoo doontay, kolkii albaabka kore soo gudbay qaybaha hore ee safaaradda waxa fadhiya gabdho iyo wiilal saraakiil dgalinyaro ah oo dadka u adeegaya, arday fara badan ayaa na meesha buuxda oo sideydoo kale howlahan loo soo wada direy, goobtu waa guux miiran, dadka qaarbaa telfoono ku hadlaya oo lacago dalbanaya, mid baa waalidkii ka dhaadhicin la’a marxaladan uu la tacaalayo ee aan waxba dhaamin teyda , fiigtaal ayaa ii bilowday, sargaal dhalinyaro ah ayaa igu soo aaday, dibteyda ayaan u sheegtay, si fudud ayuu ii yiri “waa caadi waa lagu xalinayaa ugaas“ lacagta intaas ah bixi warqada qaado, si degen “ sabab aan Lacag u bixiyo maba jirto soomaaliya ayaan kasoo tasdiiqsaday ayaan iri, ma shaqeyneyso taas ayuu igu yiri, ( layaab ayay igu aheyd jawaabtas ),
anigu, waxa iyo wax u dhow ba maan fileyn oo waxan islahaa, lacag xamar ayaad kusoo bixisey, musuqna xamar ayuu kaaga soo haray, howlahaaga si fudud ayaad u dhameesan doontaa,hasse yeeshee sheeko hadey koow tahay masa ogi, maadaama ahaa nin nidaanka dowliga ee soomaaliya xoogaa kasoo shaqeeyay oo musuqa xafiisyada fahansan, waxaase is iri , xariifoow wax walba waad soo bixisay keliya HAL ISTAAMBO oo sharci ah ayaa kuu harsane ragaan maxay kuu wareerinayaan, lacagta dir ayuu igu celceliyay, macquul maaha ayaa anne ku iri, markaasuu iyi “ Okay gees u beer dadka kale u adeegayaaye,
Maadaama saraakiishu igu adkeeysay masuuliyiinta safaaarada ayaa u baahanay ee iigu yeer ayaa ku iri, waxana la ii gudbiyay mid kamida xafiisyada safaaradda laga maamulo oo qayb dambe kaga beegan halka loogu adeegayo muwaadiniintan soomaaliyeed, oo inta badan u xayiran lacago laga doonayo oo aan qorshaha ugu jirin kahor imaashiyaha safaarada oo ay dadka moodaan meel naxariis taalo, war yaanan kugu daaline nin masuula oo calanka iyo Astaantii qaranka dhinac uga dhegenyahay suutkiisa ayaan usoo galay “war haye “ ayuu igu salaamay sidii caadada u ahayd saraakiil badan xarumaha dowliga ka shaqeysa, waan ka qaaday salaanta dhibteyda ayaan uga waramay, isagoo kursiga kusii santeecsanayo feelkeygana kor u haya ayuu igu yiri “lacagta iska bixi waa laguu sameynayaa” intaan hadlin ayuu bilaabay iiga faaloodo jaamacadda aan dhigan rabi, ugu dambeen tasdiiqin labaad iney sharci tahay ayuu igu qanciyay,” (anigoo og sharciga meel ay kaga qoran tahay inaanu jirin, kuna darsoo dhowr sano ayaa soo ahaa shaqaalaha mid kamida xafiisyada wasaarada arimaha dibadda dalka) waana aqbalay,
Mar kale, ayaan sidaa ku bixiyay lacag tasdiiqin ah oo ay iga qaaday safaaradda soomaaliya, sargaalka ii adeegayay isagoo i leh “ Sxb is daji waa habraac kamida hubinta tayada waxbarashadda dalkeena’ ayaan kasoo baxay xafiiskiisa, waxana niyada is lahaa, ilaahay mar kale meeshan kuuma soo celiyo,ee mar uun nadiif uga dhamaaw, sidii ayaan baxay oo toos ugu tagay jaamacadda anigoo isleh waqti kale yuu kaa lumin ee maantaba isa soo diiwaangeli, jaamacadii ayaa gaaray dhowr qof oo soomaali ah ayaa kula kulmay goobta ,kuwaa oo sideydoo kale arday cusub iyo hore isugu jirta, kana soo dabaashay caqabadahan aan soo arkay, intii sugeynay maamulka jaamacadda dhowr dhalinyaro ayaan is-waraysanay iyadoo sheekada dhurayo ayaa la ii yeeray, maamulkii oo isugayay ayaa igu yiri “ nin yahoow adiga inaad soomaali tahay iyo kale shaki ayaan ka qabnaa ee isasoo cadeey safaarada soomaaliya tag,
Marka hore layaab ayuu igu noqday hadalkaas maadaama ay aheyd mar kii iigu horeysay nolosheyda ee la igu yiraa “soomalinimadada shaki ayaan ka qabnaa ee isa soo cadeey “ ilbiriqsiyo ayaan dhakafaarsanaa, waxan soo xasuustay inaan baasaboor lahaa, jeebka ayaan uga soo bixiyay, visahii dal ku galka ayaan tusay (Copy) basaboorkayga in uu isaga haayo ayan u sheegay, waxana u raaciyay dhowaan ayaan kala soo baxay safaaradda halkan ku taalo ee aad ii direyso, maamulka jaamacadda iskama waalin waxa uu i yiri, “inaga Immegration ma nihin, mana xaqiijin karno dhalashada qof ee safaaraddada tag “ warqad ayaa jirta ee nooga keen, waxan ku iri, maad adinku wacdaan safaarada ood waqrdadaa waydiisaan , sidee iiga aamineysan warqad kale hadii aan kuu keeno, inley aad basaboorkii soomaaliga ahaa ayaadba igu aamini weydeene, Dood dheer kadib maamulka sarre ee jaamacadda ayaa loo yeeray ee waxa uu igu yiri “ fadlan safaaradaada tag iyaga ayaa kusoo cadeynaya wey na garanayaan arinkaan sida loo maareeyo “ waa yara degay oo xaaladda amni ayaa jiro niyada iska iri, sidaa ayaa markale ugu qasbanaaday inaan maalinkii xigay mar kale soo gaaro safaarada soomaaliya ee aan ka ashahaatay “
Sidiiyoo kale ayuu sargaal dhalinyaro iigu soo dhoweeyay safaaradda soomaaliya, waxaan ahaa qofka ugu horeeyay ee albaabka ka gala misena adeega lagu bilaabay , waxan ku iri “ sxb jaamacadii soomaalinimadaada soo cadee ayay igu tiri anigoo wata baasaboor soomaaligan ( miiska u saaray sargaalka) ee aad laba bilood kahor ii sameeseen, waxa u raaciyay, sidee ku dhacday in Immegration visa ii saaraan baasaboorka, jaamacaduna isasoo cadeey safaaraddaada tag igu tiraahdo maxaa qaldan, iisheeg!!? Saraakiisha saafaarada oo u muuqda kuwa shaqadaan yaqaana ( cadaynta qofka) si maalin ahna uga qabta safaaradda ayaa igu yiri” Haa saaxiib waa sax, dhamaan ardayda soomaaliyeed ee dalkan waxkabarta waa in lasoo xaqiijiyo soomaalinimadooda” waxa lagu siinaya warqad ee bixi lacagta intaas ah,
La-yaab !!! iyo fajac ayay igu noqotay anigoo baasaboorkii soomaaliga ahaa wata dhex taagan safaraadii soomaaliya ee isiisay hadana sargaalkii sidaa igu dhaho, “warqad cadeyn dhalasho ayaan kusiinayaa ee ladag bixi”, weliba saraakiishii hore iigu adeegtay xiligaa goobta joogaan,“ war sowdigii baasaboorkan ii xareeyay ee isiiyay !! “ Dood dheer kadib,waxa ku qasbanaaday mar sedexaad saafaarada soomaaliya inaan siiyo lacag si ay ii cadeyso,iyadoo aan la iiga jawaabin su’aalahii aan qabay “ sidee baasaboor iigu sameeseen adinkoo hubin soomaalinimadeyda ? “ muxu ii tarayaa baasaboor ka hadaanu cadeyn karin dhalashadayda? Iwm.
Ex-Wadani, oo ay afar bilood iyo boqolaal doolar uga baxday kaliya isdiiwaangelinta jaamacaddii uu utagay dal kamida dalalka dariska ah, waxbaradhadii waxa uga soo horumaray visaha dal ku galka mid kamida dalalka yurub oo uu ka codsaday visa la midoobid qoyskiisa, taasina waxa ay meesha ka saartay “cadey soomaalinimadada iyo lacagtaas iska bixi” sii soco soo soco, iyo nolosha qaarada madoow ee rajo la’aanta, shaqa Xunadda iyo waxbarashadii tayada xun ee ganacsiga laga dhigey iyadoo musuquna yahay macalinka koowaad,
Kahor inta aanan yurub iman caadi ayaan u arkayay lacagahaa musuqa ee meel kasta lagugu waydiinayo, balse dhowr sano oo yurub joogay waxa fahmay oo xaqiiqsaday iney aheyd tuuganimo iyo sharci darro lagu hishiiyay, gaar ahaan safaarada iyo hay’adaha waxbarasho ee dalkaasi, ilaa iyo maanta oon ka warhayo xaalka qaar kamida ardayda dalkaa waxkubarta waxay ii xaqiijiyeen in sidii iyo kadaran loo bahdilo ardayda soomaaliyeed iyadoo masuuliyiin soomaaliyeed qayb ka yihiin isbaarooyinkaa tirada badan, waxayna taa kaliftay in dhalinyaro badanoo soomaaliyoo waxbarashada jeclaa isaga haraan hamigoodii aqoon kororsi, musuq dartii“keen lacag “ iyadoo qaar badanna baddaha iyo saxaraha soo jeexeen,si ay ugu noolaadaan xoriyad iyo cadaalad inta ka dhiman mustaqbalkooda.
Saciimoow, Maadaama aan ahaa shaqaale dowladeed magaca wadani ayaan jeclaa oo aniga ayaa markii hore la baxay , wixii igu dhacay kadib markaa yurub tegay ayaan go’aansaday inaan badalo magaca waa iga fuqi waayay, sidaas ayaan ku raacsaday ( idheh ex-wadajni) WADANI-hore, si dadkuna u fahmaan hada inaan WADANI aheen 
Maxay kula tahay!
Oktoober24