Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu wareejisay Shirkadda Empire dhammaan howlaha la xiriira bixinta oggolaanshaha degenaanshaha (residence permit) ee dalka, taas oo abuurtay su’aalo ka dhan ah hufnaanta iyo sharciyadda nidaamka cusub.
Warqad rasmi ah oo hay’addu u dirtay xarumaheeda ku yaalla dowlad-goboleedyada ayaa lagu amray in:
- La joojiyo dhammaan bixinta fiisaha degenaanshaha
- Hawshaas oo dhan loo daayo Shirkadda Empire
- La sugo hirgelinta habraac cusub oo shirkaddu maamuli doonto
Arrintan ayaa timid iyadoo aan la marin habraac sharci ah oo caadi ahaan looga baahan yahay qandaraasyada lagu wareejiyo adeegyada dowladda, gaar ahaan kuwa khuseeya amniga iyo socdaalka.
Su’aalaha ka dhashay wareejinta adeegga
Go’aankan ayaa soo bandhigay dood culus oo ka taagan gudaha dowladda iyo bulshada rayidka ah, waxaana si weyn loo isugu raacay dhowr arrimood:
- In shirkad gaar loo leeyahay loo xiro adeeg dowladeed oo ay ahayd in hay’adaha dowladda si toos ah u maamulaan
- In hay’adda Socdaalku ku qaadato lacago badan mushaharka shaqaalaha iyo adeegyada, haddana adeegyadaas loo wareejinayo shirkado gaar loo leeyahay
- In dalka uu ku jiro marxalad dhaqaale oo aad u liidata, iyadoo weliba adeegyo muhiim ah lagu wareejinayo shirkado ay leeyihiin caruurta, xaasaska iyo saaxiibada madaxda
Walwal iyo fadeexad siyaasadeed
Warbixintan cusubi waxay sii xoojisay walwalka laga qabo:
- In adeegyada muhiimka ah ee dowladda la madax-banaanaynayo
- In hufnaantii iyo isla xisaabtankii ay meesha ka baxeen
- In siyaasiyiin sare ay adeegsanayaan awoodooda si ay u maal-gashadaan shirkado gaar ah oo xiriir qoys iyo saaxiibtinimo la leh
Wareejintan ayaa sidoo kale imanaysa xilli weli taagan tahay fadeexaddii jabsiga xogta kumannaan qof oo booqday nidaamka e-visa, taas oo ku reebtay hoos u dhac weyn sumcadda hay’adaha socdaalka iyo maamulka dowladda Soomaaliya.
Wareejinta maamulka residence permit-ka ee shirkadda Empire ayaa noqotay mid lagu tilmaami karo:
❗ Tallaabo aan sharciyad buuxda lahayn
❗ Fursad ay ka faa’iideysanayaan kooxo gaar ah oo ku dhow madaxda
❗ Kalsoonidarro cusub oo ku soo korortay hay’adaha socdaalka
Waxaa weli la sugayaa in dowladda Federaalka ay ka soo saarto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay go’aankan iyo sida uu u waafaqsan yahay sharciyada dalka.