April 24, 2026

Shirwyanaha Midnimada Beelaha Karanle ayaa ku qabsoomay Shashamane Dalka Ethopia,

Screenshot

Shirwaynaha Midnimada Beesha Karanle ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaalo dalxiiseedka Hawassa ee dowlad deegaanka Sidama ee dalka Ethiopia, iyada oo ay ka soo qayb galeen kumanaan dad ah oo ka kala yimid degmooyin kala duwan oo ku yaalla Ethiopia iyo Soomaaliya iyo Djibouti,

 

Odayaasha dhaqanka ee magaalada Shashamane ayaa shirkan soo qabanqaabiyay, kaas oo lagu mideynayo beesha Karanle ee ku kala baahsan dalalka dariska ah ee Geeska Afrika. Shirkan ayaa sidoo kale lagu xusay taariikhda fac weyn ee beesha Karanle, iyaga oo xusay hogaamintii boqortooyadii Salka Weyn ee Saldanaddii Adal, oo isku xirtay dhulalka Soomaaliya, Eritrea, Ethiopia, iyadoo uu hogaaminayay Imaam Axmed Gurey (1506–1543).

 

 

Kulanka shirwyanahan ayaa ah midey isugu yimid aqoonyahanno, ganacsato, iyo siyaasiin ka tirsan beesha Karanle ee Gidir, Kaarije, Saxaawle, iyo Murusade, kuwaas oo ka kala yimid dalal iyo deegaano kala duwan. Shirkan ayaa lagu sheegay inuu muhiimad weyn u leeyahay mideynta iyo iska warqabka dhexdooda, iyadoo sidoo kale la qorsheynayo mideynta iyo horumarinta ganacsiga, siyaasadda, iyo arrimaha bulshada. Qorshayaasha qaarkood ayaa lagu shaacin doonaa warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxaya shirkan,