Madaxweyene hore Cali Cosoble waxa uu yiri “ mw Puntland saciid Deni in la la hishiiyo waxa ka sahlan Al-shabaab in la la hishiiyo“
Dhowr bilood kahor, wareysi uu bixiyay mw Cali Cosoble intii uu socday dagaal siyaasadeedkii u dhexeeyay soomaaliya iyo Ethiopia ee arimaha badda waxa uu ku yiri “ jiritaanka soomaaliya marka loo eego Ethiopia iyo Puntland waxa qatar badan ku haya soomaaliya waa dowlada puntland waana in laga qabto dalka“
ARGAGIXISADA Hadii ay is’dhiibi weydo waa dil ee MW saciid Deni haduu is’dhiibi waayo hala dilo miyaa warkaan?
Mw Siciid Deni oo ah masuul dowlada soomaaliya katirsan aaminsana dastuurka kmg ah ee 2012kii la isku raacay, wasiir ayuu ku noqday, madaxwyenenimo ayuu ugu tartamay sidee ayuu ula mid noqday ama uga halis badnaaday kooxda Alsha-baab oo labaatan sano diidan dowladnimada iyo dastuurka oo idil,
Siciid Deni, oo leh qodobka 142 ee dastuurka soomaaliya iyo kan Puntland hala ixtiraamo sidee ayuu ula mid noqday , kooxda khawaarijta ee xabada kala dhexeysa dowlada iyo dadka soomaaliyeed, oo aad adiga iyo saciid kamid tihiin?
Kooxda Agagixisada ee labaaganka sano xasuuqeeysa shacabka soomaaliyeed ee dilka ku xakuntay qof kasta oo dowladnimada aamisan ayaa sahlan in la la hishiiyo marka loo eego Puntland waa aragti layaab leh, ee ma waxa loola jeedaa puntland wa lagu duuli karaa, Saciidna waa lasoo la dili karaa hadii uu nasop raaci waayo,
Argagixiye Axmed Diiriye, Kobakutukade, Mahad karataay iyo Cali dheere oo maantadan qoyan xasuuqayo shacabka reer Hiiraan iyo soomaaliba waxa ay ka dhowyihiin kana fiicanyihiin Saciid Deni oo ay madaxweyene u doorteen dhowr malyan oo reer Puntland ah si uu u siiyo adegyada asaasiga iyo horumatinta deeganka,
Saciid Deni oo cagta mariyay Kooxda Argagixisada Daac1sh ee buuraha Calmskaad ku dhuumaleysanaya isagoona soo qabqabtay ajaanib kusoo duushey dalka ayaa lamid ah cadowga Hiiraan iyo dhulka soomaaliyeed ku laaynaya shacabkaaga waa midaan macquul eheen,
Waxay u muuqataa mw xasan sheekh iyo kooxdiisa iney tabar beeleen oo ay uga soo hartay ceebeen iyo cambaareen kadib markii u socon weydey, buufinta qabyaalada ka dhanka ah Puntland iyo jubaland waa darood,caayda mucaaradka ku tilmaameen waa cadow shisheeye lacag kasoo qaatay, maantase argagixisada ayaa ka daran tahay bee gaareen, taasoo ka dhigan dhiigiisa la baneestey saciid Deni,
Dhaqankaan sarakaraal siyaasadeedka waa layaqaana waxa keenaya, wax yaraa dhimane dulqaata vila wardhiigleey waa laga guurayaa dhowaan Insha allah,
Oktoober24