Somaliland iyada isku eedeesay caqabada E-Visa Soomaaliya soo rogtay, sidoo kalena u hanjabtay diyaaradaha caalamiga,
Muddo laba bilood ah, shacabka reer Somaliland waxaa lagu hurdisiinayay sheeko ah in e-visa Soomaaliya aysan khusaynin, isla markaana aan laga qaadin dadka kasoo jeeda gobollada waqooyi.
Cabashooyin isdaba joog ah oo shacabkaasi muujiyeen, kuwaasoo caddaymo muuqda laga arkay baraha bulshada, ayaa ugu dambayn ku kallifay maamulka Somaliland inuu soo saaro waraaq hanjabaad ah oo lagula hadlayo diyaaradaha caalamiga ah ee yimaada Hargeysa.
Warqaddaas ayaa si toos ah ugu digaysa shirkadaha duulimaadyada ee weydiiya muwaadiniinta e-visa, balse arrintu waxay u muuqataa mid ka tarjumaysa jahwareer siyaasadeed iyo mid maamul oo u dhexeeya reer Somaliland, maadaama maamulka Hargeysa uu hore ugu wareejiyay hawada maamulka dhexe ee Soomaaliya.
Hanjabaaddaasi, dhab ahaantii, ma aha mid dhaqan geli karta. Haddii shirkadaha duulimaadyadu raacaan amarka maamulka Somaliland, waxay keeni doontaa cawaaqib kale oo adag: in shacabka Somaliland ay waayaan duulimaadyadii tooska ahaa ee Hargeysa tagi jiray. Taasina waxay ka dhigan tahay in rakaabka lagu qasbi doono inay marka hore ku dagaan Muqdisho, kadibna diyaarad kale u raacaan Hargeysa – arrin waqti iyo kharash labadaba culays ku noqon doonta shacabka.
Dhinaca kale , shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah kama bixi karaan hishiiska nidaamka dowlada federaalka Soomaaliya, sababtoo ah waxay ku tiirsan yihiin oggolaanshaha garoomada muhiimka ah sida Muqdisho, Hargeysa iqk . Sidaas darteed, hanjabaadda maamulka Somaliland ma dhaafi karto warqad iyo hadal siyaasadeed. Shacabkana waxba uma soo kordhin doonto culees mooyee,
Reer Somaliland, haddii ay dhab ahaan arrintan fahmaan, waxa muuqata in waagii cusub ee siyaasadda Soomaaliya uu dhab ahaantii soo baryay — mid ay tahay in lagu wajaho xigmad iyo farsamo, halkii laga raaci lahaa caro iyo cabsi been abuur ah.