April 7, 2026

Soomaalida Jarmalka oo warbaahinta dalkaas isku adeegsansa iyo Maxkamadaha…

Soomaalida jarmalka iyo xeryaha dowlada…

Warbaahinta ugu afka dheer dalka jarmalka ayaa bilowday dabagalka dad kooban oo af ahaan uga qayb qaatay dagaalkii dhacay Goojacade iyo laascaanod ,iyo kuwa arimo cunsiyad ah baraha bulshada ku faafiyey,

Dabagalkan ayaa la rumeysan yahay in uu daba socdo dacwado la sheegey in laga gudbiyay shaqsiyaad baraha bulshada caan ka ah, in mudana durayay qabiilo soomaaliyeed iyadoona la xusay kuwa afka uga hor yimid xaquuqda dastuuriga ah ee leeyihiin dadka isku jinsiga ah ( hadal afka laga yiri iyagoo qof ama qolo lagu caaynayo jinsigiisa)

Raga la sheegey in muuqaaladooda lasoo qaatay ee su’aalaha laga waydiiyay dad u dhow iyaga ayaa lagu sheegey Kaptan ayuub iyo yacquub siyaad oo labaduba muuqaaladooda lasoo qaatay,lamana xaqiijin dabagalkan ku jiraan shaqsiyaadka dhinaca kale ah,

Inkastoo Waraysigan 3 bisha julay laga sii deyn doono warbaahinta dalka hadana waxa muuqa in warbaahinta daba socoto eedo iyo dacwado loo gudbiyay maxkamadaha dalka sidoo kalena warbaahinta loogu sheegey dad qatar ku ah bulshada iyo sharciga dalka iney joogaan,

Eedahan iyo dabagalkan hadii lagu soo koobo laba shaqsi waxa ay noqon doonaa mid foolxumeysa kiiskan, waxayna keeni doontaa in lagu soo daro dad badan arimahaasi ka hadlay iyadoo qabiilo loo kala safanyanay,kuwa dabada ka riixaya ayaana la waydiin doonaa sababta ay u arki waayeen kuwa iyaga la heybta ah ee sidanoo kale dagaalka ugu jirey,

Isku soo wada-duub jarmalka waa u fursad in soomaalida isku mashquusho waxayna howshan u biya shuban doontaa in shaqsi shaqsi la isku wareysto oo ay dad badani dharkooda ka cararaan, Markale waa inoo fursat fowdo iyo dhaqan xumada jirta ayaa soo yaraan doonta, furiinka iyo caruurta waxba la iska weydiin doonaa, iska dhuuq iyo jaq waa joogsan doontaa isleeyahay,

3 julay wareysiga lasoo deny doono kama horu dhacayo balse hay’adda SEKO iyo waxa laga waresytey aynu wa warsugno,

Shimbir halmar ayay dab qaaday markiina buulkeeda ayay isaga gubtay, soomaalida dabqaan qaaday iyaga isgubay,

Oktoober24