April 9, 2026

Soomaaliya iyo Indonesia ayaa kala saxiixday hishiis dal ku gal basabooro gaara

Dowlad soomaaliya ayaa maanta hishiis dal ku gal saxiixatay dalka Indonesia kaasoo lagu soo koobay kaliya baasaboorada Siyaasiga iyo diblomaasiga soomaaliyeed in visaha laga qaato garoomada dalkaasi,

Hishiiskan labda dal in uu u dhexeeyo lagu sheegey ee baasaboorada diblomaasiga iyo shaqaalaha ee soomaaliya loogu ogolaanayo dal ku galka waa mid loogu daneenayo wasiirada, siyaasiinta iyo ist qoysaskooda keliya waxana laga dhigey mid labada dal kala saxiixdeen,

Tusaale ahaan labadii sano ee lasoo dhaafay dowlada soomaaliya hishiiskan oo kale ayaa la gashay dalal dhowr ah Sida: Kenya, Turkey, Masar, malesia, Indonesia, Marokko, Tunisia, Algeria Tanzania,iqkb dhamaantood waxa ay leedahay, fududeenta dal ku galka basaboorka siyaasiga iyo shaqaalaha dowlada soomaaliya iyo dal hebel,

Dhamaan dalalkaas waxa ay dowladu kala hishiisay keliya sidii dal ku galka basaboorka siyaasiga iyo shaqaalaha loo fududeen lahaa, hasse yeeshee dowladu hal dal lama gelin heshiis dhigaayo baasaboorka caadiga ah ee (Ordinary) soomaaliga visaha loo fududeeyo iskaba dhaaf in garoonka laga qaate,

Sababta baasaboor siyaasiga iyo shaqaalaha loo fududeenayo oo ay guud ahaan basaboorka shacabka xal ugu raadin waayeen ayaa ah:

-iney ku fashilmeen, in sumcad iyo tayo loo yeelo guud ahaan basaboorka soomaaliga,

-in baasabooradan shaqaalaha iyo siyaasiga yahay mid heli karaan kaliya iyaaga (siyaasi) xaaskiisa, caruurtiisa, waalidkii iyo walaalahii,

-shacabka soomaaliyeed inaan wax dan ah loogu heen xafiiska xakuumada ee siyaasiga iyo ganacsade keliya loogu adeego,

Dowladu waxa ay aheed mid ka shaqeeso danta dalka iyo shacabka hase yeeshee dowladeenu waxa ay ka shaqeysa mida siyaasiga iyo qoyskiisa, waxaasa maanta uu saxiixanaya siduu caafimaad, waxbarasho iyo dalxiis qoyskiisa ugu diri lahaa, halka adiga aad marnaba rajo ka qabin intaas laguu fududeeyo oo sad xaqa u leedahay,

Waa sababta adigoo usa ama yurub jooga aad qof ehelkaaga ah baasaboor diblomaasi iyo shaqaale ugu ibineyso shan kun si uu ugu soo tahriibo ama arimo caafimaad loogu qaado,

Majiraa qof tallaabadan su’aal iska waydiin kara ?

Oktoober24