Waa imisaha Visaha dal ku galka soomaaliya sideesa loo kala qaataa lacaghaasi,???
1-
——————
Waagii hore Visaha dal ku galka soomaaliya $60 dollar ayuu ahaa airport lagu bixin iirey iyadoo lacagataasi kala qaadan jireen:
A)-$18 waxa lahaa shirkada Empire Technicall Solutions oo ah Shirkad gaar loo leeyahay visaha iyo stamp dowlada loo xirey, ( calaa qof )
B)-$12 waxa loo shubayaa hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya si loogu kala wado howlaha iyo mushaarka saraakiisha
C)-$30 Waxa toos loogu shubayay wasaarada maaliyada dowlada faderaalka soomaaliya oo ahayd in iyada toos lacagaas loogu shubo,
2-
———————
Hada visaha dal kugalka soomaaliya waxa Laga dhigay mid Online laga qaato, Qiimahana waa $64,oo ay kuu dheer tahay [ +Bank rate exchanges),
Lacagta $64 +ex waxa loo kala qaadan doonaa sidatan :
A)-$29 Wasaarada maaliyada faderaalka xafiiska dakhaliyada ayaa loo shubayaa,
B)-$-$15 waxa leh shirkada Empire Technicall Solutions ah Shirkada visaha iyo stamp iska leh ee howlahaas loo xirey,( qoyska madaxwehnaha ayaa leh )
C)-$12 waxa loo shubayaa hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya si loogu kala wado howlaha iyo mushaarka saraakiisha
D)-$4 waxa si gaara loogu shubayaa Akoonka agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya, ( shaax shaax mushaarkiisa ka bananka ah )
E)-$4 ee lasoo kordhiyey waxa iska leh Primar Bank oo ah Bank adeega lacag u kala qabashada u sameyneyaa Shirkad+dowlada iyo shacabka visaha online ka ah raba,
Xasuusin, $60 visaha ah iyo $4 doolar ee shaqada ah waxa dheer exchange rate sarifka lacagaha qaar sida dadka Euro iyo pound ingiriiska isticmaala, bangiga qiimaha uu ku dhufsan doono sicirka suuqa ma noqon doono sababtoo ah sharci xeer iyo dowlad la xisaabtameyso ma jirto bale maalinkii la doono ayaa la dhihi karaa ku kordhi intaas,
Qiimaha la qaadayo wasaarada maaliyada iyadoo aan ansixin ayay kordhisey kadib markii gollaha wasiirada fariisteen waana mid xeerka baalmarsan in doolar la kordhiyo iyadoo barlamnaka loo geeyn,
Adeeg xumada marka Laga soo tago waxa layaab ah in adeegii dowlada shaqsiyaad gaara loo xirey laguna naas nuujinayo,
Shirkada Empire qoyska madaxtooyada ayaa leh, Bank kusoo biirey adeegan waxa share ku ah shaqadan $4 saaid ka ah wiilka madaxwyanaha ee ciidamada koofiyacasta taliyaha ka ah,
khadafi