Omar iyo Frey labaduba ollahooda Mayorka Minneapolis qabyaalad iyo kala faquuq bulsho ayay ku saleeyeen, mana muuqato aragti iyo siyaasad gaara oo bulshada soomaaliyeed kala hadleen,
Si kale hadaan u dhigo tartamayaashan marka ay la hadlayaan bulshada ku dhaqan magaaladaasi waxa ay u kala saareen soomaali . Madoow, cadaan iyo qayba kale , marka laga reebo soomaalida waxa ay inta kale kala hadleen nidaam dowladnimo iyo wax- kaqabashada baahiyadooda maamulka,
Tanni waxa ay cadeyneysa in soomaalida ku dhaqan halkaa wali yihiin soomaalidii reeraha isku heysatay, murashaxiinta waxa ay u muuqdaan kuwa fahmay caqliga dadka ay codka rabaan nuuca ay yihiin iyo sida loo la falgeli karo,
Natiijada doorashadan, mid kasta ee kusoo baxa wax gaara kuma soo kordhin doono soomaalida is faquuqeysa, waxaaba suurtagal ah inay keento isneceeb, faquuq, is-eedeen kale oo sii disha sumcada soomaalida oo ku caanbaxday midnimo la’aan, musuq, iyo fahan yari dowladnimo,
Waxan oran lahaa Aniga aragtidayda, dowlada mareykanka iyo maamulka gobolka cunsuriyda iyo qabyaalada ka socota dalkiina in il gaara lagu fiiro, dhaqankaan foosha xun ka badbaadisaan dadka guud ahaan gaar ahaan soomaalida kasoo badbaaday dhubaatada soomaaliya ee aad magangelyada siiseen,
Hadii labadooda lagu adkeen karo waa fiicnaan leheed hadaysan suurtagaleen kii soo baxa waa soo dhoweynayaa,