April 6, 2026

Soomaaliya oo xayeesiineysa shaqo la qaaatay, ( Musuq maasuq)

Soomaaliya, musuq maasuq rabaani ayaa ka jira,

Masuuliyiintii loo diray horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa ku soo koobmay $cent loo dul saaro dhaqaalaha laga qaado guryaha kirada ee muqdisho!!!! ( musiibo)

Bidix hoose sawir: dowlada faderaalka ayaa xayeesiineysa shaqo banaan gaar ahaan adeega ururinta cashuuraha guryaha kirada Magaalada Muqdisho,

Adeegaan shaqo ee lagu soo bandhigey website somalijobs waa adeeg jira oo hada shaqeenaya, bishii Abriil sanadkan ilaa iyo Agoosto Lacaga guryaha waa Laga qaadayay dadka shacabka,shirkad gaar loo leeyahay ayaa ilaa iyo maantadan qaadaysa lacagahasi,

Xasuusin:
Adeegan ururinta cashuuraha guryaha, xafiiska dakhliyada w/maliyada waxa kala shaqeen jirey shirkada MGD Soft Inc oo shaqada ka eryeen saraakiisha xafiiska dakhaliyada wasaarada maaliyada, bishii Abriil sanadkaan ayaa laga eryay shaqada iyadoo hanti-iyo agab shaqo lagala wareegay, waxana tallabadaas qaaday saraakiil ka tiraan wasaarada maaliyada iyo qoyska madaxweynaha jamhuuriyada faderaal ka oo ugu dambeen ku habsaday shaqadan,

Tan iyo abriil adeegan qoyska madaxweynaha shirkad leeyihiin gaar ahaan gudoomiyaha bank horumarinta Aaden Rooble Shirkad uu lee yahay ayaa qabaneysa adeegan iyadoo uu maamule uu kayahay shirkada Kooshin oo kamida saraakiisha sar sare ee xafiiska Dakhliyada wasaarada maaliyada dowlada faderaalka soomaaliya,

Marka laga soo tago Shirkada soomaaliyeed MGS ee shaqada looga qaaday sifada aan sharciga eherne, hadana waxa la yaab ah in shaqadu weli wadaan cid kale oo aan bulshada loo sheegin, isla shaqadii socatay ayaa la xayeesiinayaa, iyadoo ugu dambeena shirkad qaadan doonta, noqon doonto mida hada adeega qabanaysa ee uu leeyahay wiilka madaxweynaha Aden Rooble,

Hay’adaha dhaqaalaha aduunka ee soomaaliya kormeera waxa laga dhaadhicinaya shirkad ayaa ku guuleysatay qabashada adeegan, hufnaan ayaa lagu bixiyay saxiixa hishiiskan, inagana aduunka waxa u sheegena shirkada iyo shaqsiga dhaqaalah ka shaqeenaya ( hushiiska dowlada u saxiixaya waa 1 qof ) iney yihiin hal qof, musuquna uu yahay mid xarga goostay maadama lacagtii sanduuqa dowlada ku dhici lahaa shirkado loo sameestay iyadoo %30 wax kabadan loo jarayo, ( musuq)

Mucjiso waxa ah:

Masuulkii ugu sareeyay bankiga horumarinta dhaqaalaha dalka in uu ka xariiftamayo commission yar looga jaro cashuur guryaha kira xaafadaha Muqdisho, waxana laga sugaaaya horumarinta dhaqaalaha iyo mashaariicda soomaaliya in uu kusoo kordhiyo caqli iyo aqoon,

Saraakiishii wasaarada maaliyada ugu sareysay ee Laga sugayay side loo kordhin karaa dhaqaalaha dalka, cashuurtana dalkooda looga wada qaadi karaa waxa ay kusoo urureen centiyo iney dul saartaan cashuurta guryaha Muqdisho,

Soomaaliya, musuqa waxa u dheer damac yari iyo aragti gaabni

Maxay kula tahay ?