Sidan hore idin kugu sheegnay soomaaliya iyo Qatar ayaa Wada saxiixday hishiis difaac oo aanan wali faahfaahintiisa la sheegin,
Xogaha Oktoober hishiskan ka heshay ayaa sheegaya in dowlada Qatar balan qaaday dhismaha ciidamada soomaaliya gaar ahaan ciidanka cirka, iyadoona iibin doonta diyaarado dagaal ay soomaaliya leedahay,
Sidoo kale saraakiil soomalaiyeed ee lagu tababaray Qatar, Eriteria iyo Turkiya ayaa noqon doonaan kuwa la wareegi doono qalabkan milatari ee soomaaliya loogu deeqayo , diyaaradaha casriga ayaana suurtagel tahay in soomaaliya loo iibiyo,
Hishiiskan Difaaca ah ee Doha kuwada saxiixeen soomaaliya iyo Qatar ayaa imanaya xili dowlada soomaaliya iyo imaaraatka carabta oo mudo sedex sano ah Wada socday kala booday, iyadoona imaaraatku diidey bixinta mushaaraadkii ciidanka uu dhiibi jirey iyo tababarada ciidamada soomaaliya ee xeryaha dalka,
Khilaafkan imaaraatka iyo soomaaliya ayaa la rumeesanyahay in uu salka ku hayo khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowlada faderaalka udhexeeya taasoo timid kadib markii dowlada imaaraatku ka dhega adeegtay in joojiyaan madax u salaaxa dowlad goboleedyada iyo Somaliland oo ay u yeereen dhowr jeer,
Hishiiskan waxa uu nuxur cusub u yeeli doonaa ruwaayada xasan sheekh ee wadaniyada iyo cadow baa leenahay ee uu doorashooyinka kaga dhuumanayo, asbuucyada soo socda waxa uu mw iyo Fiqi bilaabi doonaa soo bandhiga sawiro iyo xaflado hishiis, mid hub lagu wareegayo isagoo saaxiibadii hore imaaraatka iyo mucaaradka hal qaanad ( cadow ah ) noo geli doona, UAE waa cadow, waa Uf, Qatarna waa ahlu kheyr ilaahay nosoo direy,
Mw xasan hadii uu doorashada guuleysto iyo hadii guul dareesto laba jeerba Imaaratka iyo xasan waa isku soo laaban doonaan, inuu madaxweyene soo laabbtey yahay la shaqeesto iyo in uu yahay nin la tuurey oo guryo ugu yaalaan imaaraatka carabta oo hangidiisa soo booqan doona ayay kusoo dhamaan doontaa sida Oktoober fahmi kareyso ,shacabkana Qatar waa uf ayuu mid kale dhihi doonaa ama xasan qudhiisu,
siyaasad arimo dibad oo rabitaan qof ku tacaluqda ayaa soomaaliya lagu hagayaa 20 sano, shacabka kana hab firki maleh waa waxaad adiga u sheegto,
Bilaha soo socda wadaniyada waa kicin doonaa ee lasoco,
Oktoober24