Inka badan 20 qofood oo Soomaali, Eritriyaan iyo Itoobiyaan ah oo lagu qabtay magaalada Pasewalk kadib safar khatar ah oo ka yimid Belarus
PASEWALK, Germany – Booliiska magaalada Pasewalk ee gobolka Mecklenburg-Vorpommern ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen 22 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo isugu jira Soomaali, Eritriyaan iyo Itoobiyaan.
Dadkaas oo ay ku jiraan 12 qof oo waaweyn iyo 10 carruur ah, ayaa la qabtay saddex maalmood kahor, xilli ay saarnaayeen baabuur bas yar ah oo lagu soo tahriibinayay gudaha Jarmalka.
Warbixin booliisku soo saaray maanta ayaa lagu sheegay in bas-kaasi uu kasoo dhaqaaqay waddanka Belarus, isagoo sii maray Latvia, Lithuania iyo Poland, ka hor inta aan la soo gelin xadka Jarmalka.
Safarkooda ayaa ahaa mid aad u khatar badan, maadaama baska aanu lahayn kuraas, dadkana lagu raray sida alaab camal la isku cariiriyay. Waxaa la sheegay inay ku jireen gudaha gaariga muddo 31 saacadood oo xiriir ah, iyagoo aan helin fursad nasasho ama cunto ku filan.
Mid kasta oo ka mid ah dadka la qabtay ayaa la sheegay inuu bixiyay lacag dhan €1,800 si uu ugu gudbo Jarmalka. Qorshaha ayaa ahaa in qofkii raba in lagu geeyo Berlin laga qaado lacag €500 oo dheeraad ah.
Booliiska ayaa sheegay in ay xireen nin iyo haweeney u dhashay Latvia, kuwaas oo looga shakisan yahay inay yihiin muqallisiyaal (traffickers) abaabushay safarkaasi sharci darrada ah.
Saraakiisha baaritaanka ayaa sheegaya in dadka tahriibayaasha ah loo gudbiyay xarun lagu daryeelo, halka baaritaanka eedeysanayaasha uu wali socdo.
Dhacdadan ayaa qeyb ka ah mowjad tahriib oo sii xoogeysaneysa ee dhinaca Bariga Yurub, halkaas oo muhaajiriin badan ay isku dayaan inay kaga gudbaan xuduudaha Belarus iyo Poland si ay u galaan dalalka Yurubta Galbeed, gaar ahaan Jarmalka