April 7, 2026

Taliye cusub xafiiska raisul wasaaraha ayaa la wareegay amniga xafiiska iyo qorshahiisa.

Kala shaki

Taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada xafiiska Raisul wasaaraha Kornayl Shaafici ( sawirka bixid) ayaa shaqadiisa hogaanka amniga xafiiskaasi asbuucan toos ula wareegay, kadib markii la eryay taliyahii hore Korneyl Mohamed Abadi yare oo in mudo ah shaqada kaga maqnaa shaqo ka fariisan uu dul dhigay taliyaha guutada 77 gaashaanle Maslax Maxamuud,

Korneyl shaafici oo kamida saraakiisha dhalinyarada ah ee dhowaan kusoo biirey saraakiisha sar sare ee madaxtooyada soomaaliya, ayaa lagu tiriyaa saaxiibada ugu dhow Gaashaanle Maslax oo waayadan isku shaandheeyn ka waday saraakiisha sar sare ee labada xafiis ee Raisul wasaaraha iyo madaxweynaha,

Xafiiska Raisul wasaaraha ayaa durba laga bilaabay dib-uhabeen amni, korneyl shaafici ayaana soo kordhiyay qorshayaal lagu adkeenayo amniga xafiiska Raisul wasaaraha, iyadoo durba maanta xafiiskaasi laga bilaabay in la baaro dhamaan dadka usoo shaqa taga xafiiska rw , waana markii ugu horeysay ee la baaro agaasimeyaasha xafiiska Raisul xakuumada ka tirsan iyo Wasiiro,

isku soo wada-duub taliye shaafici oo heyb ahaan kasoo jeeda beesha reer xaaji Saleebaan ayaa hadana ah dhalinyarada darajadooda lagu sheegay Seerbiya, iyadoo xilka looga qaaday korneyl mohamed Abdi yare oo ah saraakiishii dhowr iyo tobanka sano joogay xafiiska raisul wasaaraha, kaasoo lagu xasuusto kaalintii uu ka qaatay badbaadinta raisul wasaare Mohamed Xuseen Rooble oo ay saraakiisha villa soomaaliya u diideen in uu soo shaqo galo xili la isku hayay hogaaminta doorashadii 2022-kii,

Gaashaanle Maslax iyo qorshahiisa isku shaandheenta saraakiisha qibrada sare leh ee villa soomaaliya laga soo raafayo ayaa imaneysa kadib markii madaxweynaha wiilkiisa Maslax u magacaabay taliyaha guutada 77, halka kii uu dhalana u magacaabay ilaalada gaarka ah ee mw, waxa ayna tallaabadani u muuqataa mid gaashaanluhu iska fogeenaya dhamaan saraakiisha khibrada sare leh ee uu u arko beri kaga hor iman karaan qorshahiisa difaaca mudo kororsiga madaxweynaha soomaaliya doonayo,

Korneyl shaafici waa nin reer xaaji saleebaan ah oo darajada seerbiya xiran halka korneyl mohamed Abdi yare uu yahay nin sacad Siciid ah kana mida saraakiishii dhowr iyo tobanka sano villa soomaaliya soomaaliya soo taagnaa iyadoo darajooyinkaasi furima dagaal lagu dalac siiyay,

Oktoober24