April 6, 2026

Villa Somalia ayaa magacawday Agaasime cusub warfaafinta…

Villa Somaliya dib-dajin u sameesay wariyahii kala Guurka!

Xirfadle Sare wariye Abdiasiis Golfayre ayaa loo magacaabay agaasimaha Warfaafinta Villa soomaaliya, magacaabistan ayaa imaneysa xili bulshadu wariyaha kalaguurka ka dhursugeysay tabintiisa xaalada kala guurka siyaasada dalka oo meel halisa mareysa,

Dad badan ayaa aad usoo dhoweeyay magacaabistan agaasime Golfayre ,iyagoona ku tilmaamay shaqo yaqaan waxbadan kusoo kordhin doono warfaafinta villa soomaaliya oo in mudo ah la daalaa-dhaceyaa xirfad yari iyo isku dhexyaac muuqda,

dhanka kale, qaar kamida bulshada xiiseya arimaha siyaasada ayaa arinkan ku tilmaamay mid lagu dilayo nuxurka iyo rumeynta warfaafinta Mucaaradka maadaama villa soomaaliya u aragto wariye Golfayre nin garab xoogan u noqon karo mucaaradka oo wajahaya xukuumad waqtigeeda dhamaaday,

Isku-soowada duub, inkastoo xil-dowladeed qaadasho tahay, hadana waxa is-weydiin mudan sidee wariyahii kala guurka sedex sano iyo bar ugu qaadatay in uu helo xilkan, isagoo awooday labada dhinac ka shaqeesto waqtigan kala guurka ah, tani Waxa meesha ka bixi doonaa tabinta xogaha hoose iyo sugnaanta Warka degdegta ah ee xiliga kala guurka ee looga bartay wariye Golfayre, waxaasa sugeyna mucaaradka uu garabkooda kabaxay cidey kusoo buuxin doonaan,