kulankii maanta Madatooyada soomaaliya ku dhex maray madaxwaynaha jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Xasan sheekh maxamuud iyo siyaasiinta mucaaradka ee ku mideysan madasha samatabixinta soomaaliyeed ayaa looga hadlay qodoba dhowr ah oo kamid tahay,
-Adkeynta Midnimada dalka
-Hannaanka Dib u eegista Dastuurka
-Amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada
-Hannaanka Doorashooyin toos ah hishiis lagu wada yahay,
Siyaasiinta madasha samatabixinta soomaaliyeed ee shirka kasoo qayb galay ayaa kala ahaa, Mw hore sheekh shariif sheekh axmed, Raiusl wasaareyaal hore , Xasan cali kheyre, Maxamed xuseen Rooble, Cumar abdirashiid ,gudoomiye hore bfs shariif xasan sh. Aaden, Amb, Dahir M. Geele, xildhibaan Cabdulaahi Carab, iyo xoghayaha Madashada samatabixinta soomaaliyeed Dr maxamed aden kofi ee shalay gurigiisa ciidama dowlada ka tirsan galeen,
kulankan oo madaxtooyada soomaaliya ku sheegtey mid kamida kulamo qaybta ka ah gogosha uu madaxweynaha hore ugu baaqay ayaa u muuqata, mid u gaara mucaaradka muqdisho fadhiya iyo madaxda faderaalka, bilowga bisha xigta ee julaay ayaana kulanka labadaad loo madlanyahay, iyadoo la soo hadal qaadin sida laga yeelayo dwolad goboleedyada Jubaland iyo Puntlnad in mudo ah ku maqan khilaaf sanado jirsaday ee kala dhexeeya villa soomaaliya iyo madaxweynaha dalka xasan sheekh,
Xogaha hoose aynu ka helnay goobjoogeyaal ka agdhow Madasha Muacaaradka iyo madaxtooyada ayaa inoo xaqjiyey kulankii maanta ku sigtey Baaqasho kadib markii xafiiska madaxweyne xasan sheekh aroor hore fariin katimid madasha looga codsadey iney kasoo tagaan sedex shaqsi ee kala ah, 1- xoghaye Dr maxamed Aden Koofi, 2- Xildhibaan Cabdulaahi Carab, 3-Xildhibaan Abdihraman Abdishakuur, hase yeeshee xubnaha sare ee madasha ayaa go,aan mideysan ku diidey codsiga villa soomaaliya oo ay u arkeen kala jabin madasha muacaarka iyo Nuxurka loo sameeyay, waxa ayna usheegeen madaxweyne xasan sheekh, madashu waa mid, kulanka baaji ama sidiisa ha inoo ahaado oo cidaan soo wadeyno ianagaa go,aansaneena,
Isku soo wada-duub Siyaasiinta ku mideysan Madashada ayaa goobta gaartay iyadoo ey la socdaan dhamaan xubnahii loo qorsheeyay shirka ka qayb galaan, waxana kamid ahaa shaqsiyadka villa soomaaliya diidaneed ee kala ah, XIldhibaan Cabdulaahi Carab dhanka RW Rooble ka socday, Dr Maxamed Aden Koofi oo ah xoghahaya Madasha samatabixinta soomaaliyeed, halka Xildhibaan Abdirhaman Abdishakuur ku maqanyahay Munaasabad ka dhaceysa dalka Mareykanka magaalada Columbus ee gobolka Ohio , Bandhiga Buugiisa Adkeysi iyo madal su,aalo lagu weydinayo ayuu ku sugnaa, xildhibaanka si weyn ayaa halkaa oogu soo dhoweyay, villa soomaaliya kaasbaa u darnaa oo alxamdulaah ayay shirka ku fureen,
Shirkan oo dib la isugu soo laaban doono ayay dadku siyaaba kala duwan uga hadlayeen maanta, waloow dadka qaarkii guul ku tilmaameen in madaxweynaha iyo mucaaradka wada fariisteen, hadana dad kale ayaa qaba in mw xasan sheekh uu ku howlanyahay waqti lumis iyo maaweelo mucaaradka ka dhan ah, waxayna aminsanyihiin in madaxweynaha ilaa iyo waqtigiisa ka dhamaado uu ku taagnaan doono doorasho qof iyo cod dalka laga qabanayo, mucaaradka marka uu waqtiga dhamaado ayay buuq saxda ah furaan ayuu odayga wadahadal kale iyo maxan ku hishiinaa furi doonaa taasoo keeni doonta sanad iyo bar in uu mudo korosi dadban ku helo madaxweynaha ,
Oktoober