April 7, 2026

Waa imisa qiimaha baasaboorka soomaaliga iyadoo musuq xoogan jiro ?

Waa imisa qiimaha baasaboorka soomaaliga marka lagu daro lacagaha musuqa ee lagaa rabo?

Saacadahii lasoo dhaafay waxa aad loo hadal hayaa madaxweynaha soomaaliya ayaa ku biirey liiska madaxda ugu taajirsan Afrika kadib markii lacagtiisu gaartay 1B dollar oo dhiman kumanaan kun shillin soomaali ah, mashaa allah.

Laakin aniga waxan isweydiinayaa, maxay tahay sababta Xildhibaan faderaal ah uu isaga casilay xilka kadib markii loo magacaabay agaasime hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya ?

Ula jeedka hadalkayga hadaan u guda galo, dalkeena waxa uu noqday mid muwaadinka soomaaliyeed lagu dhaco laguna ihaaneesto iyadoo loo awood sheeganayo, sidoo kalena muwaadinka soomaaliyeed waxa uu noqday midaan aqoon xaquuqdiisa sharciga ah waxa uuna hami iyo rajo ka qabaa siduu mar ku heli lahaa fursat uu isagana ku dhaco dadka iyo dalka,

•Sida ka muuqata sawirka 3-aad, Warqadan lacag bixinta EVC waa muwaadin soomaaliyeed maalin kahor muqdisho ka xareestay baasaboor soomaali (ordinary) ah kaasoo uga baxday in kabadan 220 dollar iyo cadaab, lamana siin hal warqad ( recipe) oo cadeyneysa lacagaha laga qaaday,

Sida uu ii xaqiijiyay kuwaadinkan lacagaha laga qaaday:-

-Dhalasho dhacaysa iyo sugnaan $15 doolar ah ayaa looga qaaday 25 dollar kadib musuq iyo isbaaro xafiisyadaasi kala kulmay

#CID warqada cadeynta dambi la’aanta oo $15 dollar ah iyaana $25 doollar ayaa looga qaatay kadib markii xafiisyada isbaaro iyo shaafto qasab ah shuruud uga dhigeen,

#Xarunta Immegration markii uu soo gaaray albaabka hore ilaa iyo halka howshiisa ka bilaabanayso waxa uu kusoo gaaray bixinta laaluush $20 dollar,

#Xafiiska lacag bixinta baasaboorka $71.5 doolar uu u shubay xafiiska dakhliyada faderaalka, iyadoo aan loo jarin wax recipe ah cadeenaya in dowladu kaqaaday lacag muwaadinkaas,

Isla #Xafiiska ayuu ku bixiyay lacag $36.5 doolar qayb ka ah lacagta 108 baasaboor ka ee sharciga ah hasse yeeshee waxa lagu shubay lanbar u gaara hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya, wax recipe cadeynaya in uu dowlada lacag u shubay xafiiskaasi ma bixin,

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya Mustaf Dhuxuloow waxa uu bogga hay’adda kusoo qoray yurub ayaan kala hadlay sidii loo aqoonsan lahaa baasaboor soomaali, maadaama la tayeeyay lagana dhigay electronic, hadaba hay’adda sidan ula dhaqantay muwaadiniinteeda miyey yurub iyo aduunka aamni karaan, sideesa loo qancin karaa muwaadinkan sidan loo bahdiley?

Dowladaha Yurub iyo aduunka baasaboor soomaali ma aqoonsan doonaan mana aqoonsanayaan ilaa iyo inta laga joojinayo musuq maasuqan xargaha goostay, habraaca sharciga ee basaboorka waa shuruud dhigan balse hay’addahu EVC dhaqaaji ayay ka dhigeene inaan dunidu ogeen miyay kula tahay?

Taajirka cusub, Mw Xasan Sheekh maxamuud,Macalinkii lugeen jirey ee shidaalka ku iibin jirey wadooyinka muqdisho lacagtaan ma shaqeestay mise cirkay uga soo daatay, ma haystaa mise waa been dadka qaarkii waa isweydiin karaan?

Soomaaliya qof kasta xafiiska uu maamulo waa dukaankiisa, dadkuna uma heestaan dalkooda iyo dowladnimadooda in la kufsanayo,

Ha noolaato soomaaliya,

Oktoober24

In English