Bismillah
OKTOOBER-Investigations
Ibraahin Turki iyo Daahir Gaduudoow: Xaraashka Dhulka iyo Saameynta Dhaqaalaha IBS Bank
Ambasadoor Maxamed Nuur “Tarzan” ayaa dhawaan isagoo ilmeenaya ka hadlay laba shaqsi oo door muuqda ku leh xaraashka dhulka Muqdisho iyo barakicinta shacabka: Ibraahin Turki iyo Daahir Gaduudoow.
Waa kuma Ibraahin Turki ?
Ibraahin Turki waa maamulaha guud ee shirkadda Light Travel, oo hore u ahayd wakiilka Turkish Airlines iyo Uganda Airlines. Shirkaddan waxaa iska leh Ina Cali Warsame, oo kamid ah milkiilayaasha IBS Bank iyo Safari Apartments.
Luminta heshiiskii Uganda Airlines
Sanadkii hore, Light Travel waxay lumisay heshiiskii wakiilnimada Uganda Airlines kadib markii shirkaddu awoodi weysay inay bixiso:
• Qarashaadka shidaalka
• Adeegyada guud ee Aden Adde Airport
Dhaqaalahaas lumay ayaa la sheegay in loo adeegsaday olole uu Ibraahin ku raadinayey xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Isla sanadkaas, maamulka Turkish Airlines ayaa ka qaaday xilkii uu hayey, loona magacaabay qof kale.
Fashilka qandaraaska xujeyda
Sidoo kale, Ibraahin waxa uu sanadkii hore qaatay qandaraaskii fashilmay ee tallaalka xujeyda iyo cumrada ee dowladda Sacuudiga. Garoonka Muqdisho ayuu dhigay ciidamo iyo shaqaale dhar-jaalle ah oo dadka ku qasbay:
• Inay qaataan tallaal lagu waday baaldiyo cagaaran
• Lacag dhan $50 qofkiiba laga qaaday
• Dad badan oo awoodi waayey tallaalkaasna laga reebay safarkoodii cibaadada
Ololahaas dhaqaale raadinta ah ayaa sababay dhaqaale-xumo baahsan oo shirkadda ku dhacday, laguna waayay qandaraasyo muhiim ah.
Qorshihii xaraashka dhulka
Ka dib dhaqaale-xumadii, Ibraahin wuxuu heshiis ka helay Villa Somalia, wuxuuna u gudbiyay milkiilaha shirkadda qorshe uu ku xaraashayo dhul dowladeed, isaga oo dhaqaale ka dalbanaya IBS Bank iyo Safari Apartments.
Dhulal badan ayuu sidaas ku helay, oo ay ka mid yihiin:
• Taleex (qiimihiisa lagu sheegay 21 Milyan$)
• Kaluunka
• Damdamis
• Villa Baydhabo
• Tarabuunka
Meelo badan ayaa cagaf cagaf looga barakiciyay dad shacab habeen madow, iyadoo ibrahin meel kasta ka helay 10-15 boos, waana sida uu sheegay Ambasadoor Tarsan, ( warqadaha lifaaqa hoose)
Daahir Gaduudoow – Ganacsade ku shaqeysta dhul dowladeed
Daahir Gaduudoow, oo hore loogu yaqaanay waayihii dagaalada sokeeye ee Ballidoogle, ayaa hadda noqday ganacsade awood leh.
• Wuxuu dhistay Horyaal Hospital oo ku yaal degmada Hodan (Xaafada Tarabuunka)
• Dhulka uu isbitaalka ku dhistay waxaa horay looga barakiciyay shacabka, wuxuuna weli ku sii hayaa si uu ganacsigiisa u ballaariyo
• Wuxuu isku dayay inuu iibsado dhulkii warshada Ambasadoor Tarsan, taasoo keentay barakicin dheeraad ah
Tarzan iyo tacadiyada hore
Ambasadoor Tarzan, oo waayihii hore awood ku lahaa dowladda Soomaaliya, ayaa maanta la kulmay isla dulmiga uu hore u geystay:
• Ganacsigiisii ayaa la burburiyay
• Awooddii gacantiisa ku jirtayna waxaa la wareegay dad kale
• Kuwa hadda dulmiga geysta waa sugayaan in mid kale dulmiyo berri
Gebagebo
Warbixintu waxay muujinaysaa:
• In Ibraahin Turki si dhow ula shaqeeyo madaxda dalka, isla markaana ka faa’iideystay dhaqaale shacabka ka ee loo dhiibtay IBS Bank
• In Daahir Gaduudoow ku ballaarinayo ganacsigiisa dhul dowladeed isagoo barakicinayo shacab iyo ganacsiyo kale
• In shacabka Muqdisho ay weli ku khasban yihiin inay la dagaallamaan xaraash aan joogsanayn
Cadaaladda Soomaaliya wali kama dhowa, musuqna kama dhamaan doono.
BAADHITAANKA OKTOOBER