April 6, 2026

WAA SIDEE XAALKA HOOYADA SOOMAALIYEED UURKA LEH EE QAXOOTIGA KU AH YURUB ?

 

Hooyooyin badan oo Soomaaliyeed oo qaxootinimo ku joogta dalalka Yurub ayaa noloshooda maalinlaha ah ku tiirsan kaalmooyinka dowladaha ay deggan yihiin. Inkastoo ay helaan daryeel buuxa oo ay ku jiraan cunno, hoy, caafimaad iyo adeegyo ilmaha ku saabsan, haddana nolol fadhiyo ah ayay badankood ku jiraan, halka ragii ay u dhaxeenna qaar shaqo la’aan yihiin ama Afrika ku joogaan Siyaasi, Aqoonyahan Ganacsade iyo dalxiise.

Hooyada uurka leh ee qaxootiga ah waxaa si dhow ula socda adeegyada caafimaadka laga bilaabo baaritaanka uurka, cuntooyinka nafaqada leh, ilaa qorshaha dhalmada. Ballan kasta oo caafimaad ah waa la hubinayaa xaaladeeda iyo canuga , isbitaalkana si sharaf leh ayaa loogu soo dhoweyaa markasta timaado Balan iyo ballan la’aan.

Bilo ka hor dhalmada, hooyada waxaa la siiyaa lacago gaar ah oo loogu talagalay, nafaqada hooyada uurka leh ( ururka haweenka qaranka) dharka ilmaha, sariir cusub, caanaha iyo xitaa gaariga ilmaha lagu kaxeeyo. Qoysaskaas, inkastoo ay yihiin qaxooti, waxay helaan kumanaan yuuro ka hor dhalmada ilmaha.si lamida hooyada u dhalatay dalkaasi,

Habeenka ay umuleyso, hooyadaas si gaar ah ayaa loo daryeelaa, sariir, adeeg caafimaad iyo daawo ayaa loo diyaariyaa. Ilmaha markuu dhasho, waxaa lagu daraa nidaamka dawliga ah, waxaana u bilaabaneysa xaquuq iyo darteel kamida caruurta kale,

Hooyadii, Aabahii iyo tolkiis soomaaliyeed waxay dhahaan, hambalyo

“Noqo kii dalkiisa iyo dadkiisa daafaca.”

Ha difaaco ma xumee, ilaa iyo hada ma aragno caruur qurbaha ku dhalatay oo jecel in lagu soo celiyo dalka, marka laga reebo kuwa lagu soo waday quraanka iyo Afsoomaaliga hadaad barato waa lagu celinaa ee baro, taasoo mararka qaar keenta iney isnacaan caruurta iyo waalidka,

Hooyadaa, Odaygeeda iyo ehelkeeda oo biilanaya dal shisheeye dhaqaalahiisa ayaa ku doodaya dowlada soomaaliya xaq looguma laha daryeelka hooyada iyo dhalaanka,

Maxaa caruurta dalka u difaaci la’yihiin?