April 7, 2026

Waa tuma gabadha loo ciqaabay qaraxii lagu beegsaday Mw dalka xasan sheekh ? #AQRISO

 

Aisha Hassan Subeir oo dhowaan kamid noqatay shaqaalaha xafiiska warfaafinta Villa Somalia ayaa caawa Shaqada laga joojiyay kadib markii barteeda facebook kusoo qortay inay ka badbaaday qaraxii maanta la la beegtay kolonyada madaxweynaha oo ay kamid ahayd shaqaalahii sawirka qaadayay ee wadada taagnaa,

Postiga camera-women caasha kasoo fara-baxsaday ee uga hadashay qaraxii maanta dhacay, isagoo saacado kooban yiilay boggeda Facebook ayaa hadal heyn badan ka dhaliyay baraha bulshada iyo xafiiska warfaafinta iyadoo dadka yiqiinay badankii usoo qorayeen,caasho tir, caasha maxa kugu dhacay, Waa been warkaan, fadlan iska tir, qalaal gelin amni ayay wadaa gabadhan ,af-khawaarijta ayaad ku hadashay iwm,

Postigan oo waqti dheer yiilay facebook ayaa la arkayay qaar ee katirsan xafiiska warfaafinta oo caasha usoo qoray inta aysan tirin kahor postiga hadalo u dhignaa sidan, ma adigaa sidaan qoraya, warfaafinta dowlada miya sidaan ah,ma waalatay gabadha mise shaqadeeda ayay aqoon, Waa filaayay in aad gurigaaga gubeyso, War iska tir waaba lagu tiriye, daqiiqado kadib postigaasi waa laga saaray caasha bogeeda Facebook-ga,

Dadkaasoo dhan waxa ay ka hadlayaan dareenkooda ku aadan postigan iyo sida dowladu aysan marnaba raali uga aheen arimahanoo kale bulshada la la wadaago maadaama qaraxu uu ahaa mid la qarinayay in madaxweynaha uu ka badbaaday isku dey dil loo soo maleegay,

Hasse ahaatee waxaa xaqiiqo ah caasha in ay maanta ku qalqashay qaraxii dhacay sidoo kalena tahay qofaan ogeen siyaasada xafiiska warfafinta madaxweynaha oo ay ku cusubtahay qoraalkana uu caadi la ahaa,

Xogaha hoose ee aan xaqiijin karin waxa ay sheegeen in caasho aheen gabar sidaa u fudud balse fuustadaasi usoo riixeen qaar kamida shaqaalaha villa soomaaliya oo booskaan la raadinayay qof iyaga qaraaba la ah halka dadka qaar leeyihiin caasho abiyaasheed ayaa u soo riixay fuustooyinkan iyagoo falsafada mucaaradada adeegsanayaan,

Isku-soo wada-duuboo qaraxii maanta dhacay masuuliyadiisa qofka loo ciqaabay ayay noqotay caasho oo mudo kooban joogta xafiiska warfaafinta, inta badan xafiiska warfaafinta iyada ayay eeda dusha ka saareen iyagoona ku eedeeyay cida sawirada iyo muuqaalada bixisay iyadu tahay balse aanu jirin xaqiijin,

Waa tuma caasha Hassan Subeyr?

Caasha waa sawirqaade katirsan xafiiska madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka soomaaliya waxa ayna shaqada kusoo biirtay bilowga bishan maarso 2025, shaqadii ugu horeysana waxa ay qabatay kana soo muuqatay xafiiska madawyanaha 8 Maarso kulankii madaxwaynaha iyo haweenka soomaaliyeed, waxa ayna aheyd arin wanaagsan in madaxweynaha xafiiskiisa mudnaan gaara laga siiyo haweenka soomaaliyeed oo shaqaale ka noqdeen gabdho da’a yar waxbartay ah,

Sidoo kale Caasha waa da’a yar xirfadle sare ee dhinaca kaamirada sawirka qaada ah waxana dhalay sawirqaade muuqaal-duubehii caanka ahaa xasan subeyr AUN oo kamid ahaa dadkii ku Shahiiday qaraxii Hotel Shamoow sanadii 2009ka,

Nasiib darro caasho iyadoo bil kayar shaqaynaysa ayay fursadii qaaliga aheed isaga lumisay kaliya 1 post kusoo qortay facebook iyadoo ka hadashay dhacdo ay goob joog ka aheyd ( qaraxii madaxweynaha la la beegtay),

Dhibaatada ugu wayn ee caasha shaqadeeda galaafatay waxaynu dhihi karnaa waa inaysan fahmin xirfada aad leedahay waxa ka muhiimsan qorshaha iyo siyaadada dadka (xafiiska ) ka/la shaqayneyso waa nuucma,

Xafiiska warfaafinta villa soomaaliya waxaan leenahay gabadha xumaan kale uma jeedo waligeed ayayna dadku qori jireene dhacdooyinkan waan ka badbaaday ahe walalyaal tababar siiya oo siyaasadiina qarinta dhacdooyinka bara una sheega sirta xafid,

Halagu qiimeeyo halyeey Hassan subeyr iyo inay tahay gabar da’ayar agoonimo ku kortay lehna xirfad sare,

Mahadsanidiin
WQ Oktoober