Laga bilaabo maalinta berri (5 Nofeembar 2025), Fiisaha dal-ku-jooga Soomaaliya waxaa laga heli doonaa oo kaliya xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee magaalada Muqdisho.
Dhammaan dowlad-goboleedyada dalka si kumeel gaar ah ayaa looga joojiyay bixinta fiisaha, ilaa iyo inta ay dowlad-goboleedyadu u hoggaansamayaan nidaamka cusub ee lagu kordhinayo dhaqaalaha dowladda federaalka.


Asalka Amar-kan
Amarkan cusub wuxuu daba socdaa warbixin uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda DFS taariikhdu markay ahayd 29.10.2025, sumaddeeduna tahay Ref: MOF/OM/0349/2025, cinwaankeeduna ahaa
“Tilmaamaha Ilaalinta Dakhliga iyo Ka-hortagga Tahribinta Badeecooyinka.”
Warbixintaas ayaa ku saabsanayd sidii loo xoojin lahaa nidaamka canshuuraha iyo dakhliga qaranka, iyadoo laga hortagayo musuqmaasuq ka dhashay qeybinta dakhliga fiisayaasha.
Sababta Talaabadan
Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankan lagu doonayo in la:
1.Xakameeyo musuqmaasuqa iyo kala xisaab la’aanta ka jirta xafiisyada fiisaha ee dowlad-goboleedyada.
2.Dhaqaalaha fiisaha dal-ku-jooga lagu soo ururiyo hal meel (Muqdisho), si ay u gaarto kasnadaha dowladda dhexe.
Warbixinaha la helay ayaa tilmaamaya in fiisaha:
•Gobollada lagu bixin jiray $150–$200,
•Muqdisho laga bixinayo $400,
taasoo muujineysa farqi ballaaran oo keentay in la joojiyo bixintii gobollada.
Falanqayn: gaar u ah
Warbaahinta OKTOOBER24 ayaa ka warbixisay labo qodob oo muhiim ah:
1. In isfahan la’aan iyo kalsooni darro shaqo ka dhex jirto hay’adda socdaalka iyo maamul-goboleedyada.
2. In dowladda federaalka ay doonayso in ay awooda maaliyadeed dib ugu soo celiso Muqdisho, maadaama awaamiirteeda aysan ka shaqeyn gobollada.
Tani waa talaabo siyaasadeed iyo dhaqaale oo muujineysa loollan u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo lagu doodayo in lagu dardar gelinayo “hufnaanta maamulka iyo dakhliga qaranka.
Saaxiibada la wadaag #SHARE,
sidoo kalana soo raac boggeena #Follow,
hana moogaan inaad warbixinada xiisaha ka daalacato boggeena https://oktoober24.com/