April 7, 2026

Wareysi qiima badan ayuu bixiyay Gudoomiye hore Hiiraan,

Waraysi dhaxal gal ah ayuu bixiyay Gudoomiye hore G/H Abdifataax xasan Afrax aaminsan dowlada ka gaabisay dagaalka khaawarijta oo iyana lasoo baxday awood isbalaarin dagaal iyo shacab kasbasho isugu jirta,

Waxa xusid mudan in gudoomiyaha uu sheegay “As ceel baraf iyo deeganadii qabsadeen calanka soomaaliya oo ay diidanaayeen kama aysan taaban dadka , xogta aan helay waxa la iisheegay inay yiraahdeen calankiina sidiisa ha idiin taagnaado”

Gudoomiyaha waxa kale oo shaki ku abuuray,

-Dagaal laba sano kadib meeshiisa taagan
-As soo duulay oo an la ogeen,
-As 5 magaalo Hal jeer weerari kara,
-As gaadiid iyo hub casriya ku dagaalamaya,
-As calanka buluuga ogol dadkuna soo dhoweyeen
-as amaan siiyaan macawisleey isa soo dhiibtay

Aniga Aragtidayda gudoomiyaha fahankiisa dagaalka khawaarijta lagu la jiro, dadka shacabka , dowlada , deegaanka iyo sida ay wax u socdaan qof kaga haboon in laga warayso oo soomaali ah ma jiro ayaan isleeyayahay,

Boogaha uu taabtay gudoomiyaha oo xal loo heeynin ayaa ah waxa tuhunka geliyay isaga iyo dad badanoo ilaa iyo hada la yaaban sida dowlada soomaaliya dagaalkan u wajahday,

Gudoomiyaha aqoon ciidan, hogaamin intaba waa lagu ogaay laakin waraysigan sida uu uga hadlay xaalada dalka iyo dagaalka aqoon fiican ayaa ka muuqataan isleeyahay ee ma dal jeceel iyo dad Jecel ayaa angalkaas wax ka tusay mise ?

Dowlada soomaaliya dagaalka dhab maka yahay ?

Waraysiga gudoomiyaha maxaad ka fahantay?

WQ Oktoober