April 7, 2026

Warsaxaafadeedka dowlada faderaalka ee maamul dhiska Wuqooyi Bari soomaaliya SSC ,

WARSAXAAFADEED

Tariikh: July 30, 2025

Goobta: Laascaanood, Sool

Soo Gabogabeynta Shirweynaha Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo iyo

Ansixinta Dastuurka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

Waxaa caawa si rasmi ah loogu soo gabogabeeyay magalada Laascaanood Shirweynihii

Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, kaas oo socday muddo 8 maalmood ah, laguna qabtey marxaladdii labaad ee dhameystirka dowlad goboleedka.

Shirkan taarikhiga ah ayaa waxaa si rasmi ah u soo xirey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha

Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyadoo ay kasoo qeybgaleen 417 ergo oo matalayey bulshada kala duwan ee kasoo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer/Ceyn.

Inti uu shirku socday, ergooyinka beelaha iyo deegaanka waxay si buuda ugu heshiiyeen

arrimo sal u ah dhismaha dowlad goboleedka, waxaana si wadajir ah loo ansixiyay Dastuurka

Dowlad Goboleedka cusub, oo rasmi ahaan loogu magac darey –

Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Caasimaddiisuna tahay: Magaalada Laascaanood.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si

weyn u bogaadisay dadaallada nabadeed,

wadatashiga iyo midnimada buishada deegaanadda SSC ee horseeday guushan weyn.

Wajiga saddexaad ee geeddi-socodka dhameytirka dowlad goboleedka ayaa si rasmi ah loo bilaabi doona maalmaha soo soda, wuxuuna diradda saari doonaa –

Dhismaha hay’adda koowaad (Golaha Barlamaanka) ee dowlad goboleedka,

Qabashada doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta waxay mar kale u mahadcelinaysaa dhammaan

ergooyinka, bulshada deegaanka, saamileyda iyo

daneyayaasha taageeray geeddi-socodkan muhiimka ah ee horseedaya nabadda iyo

horumarka deegaanaddaan.

DHAMMAAD