Wasiirka Cadaaladda oo waqti badan geliyay taageerada siyaasadeed ee uu u fidinayay Duqa Minneapolis, Mayor Jacob Frey, si uu kursigiisa u difaaco, ayaa maanta la kulmay guuldarro weyn — kadib markii uu ku fashilmay difaaca booskii shaqo ee ay xaaskiisu ka haysay Isbitaalka Banaadir.
Aroornimadii maanta, Wasiirka Caafimaadka ayaa si rasmi ah shaqada uga eryay agaasimihii Isbitaalka Banaadir, kaddib cadaadis iyo eedeymo xooggan oo xalay baraha bulshada lagu baahiyay. Wasiirka Cadaaladda oo la sheegay inuu ku dadaalay in arinta si hoose loo xaliyo, ayaa awoodi waayay inuu ka hortago tallaabadaasi, marka laga reebo warbaahinta dowladda ee SNTV, oo uu ka diiday in laga hadlo dhacdadii geerida saqiirka ee 19-kii October iyo tacaddigii la sheegay inuu ka dhacay isbitaalka.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in lacago fara badan lagu bixiyay olole lagu doonayay in lagu daboolo fadeexadda geerida saqiirkaas, balse dadaalkaas ma uusan suuragelin, iyadoo bulshada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadku ay ku adkeysteen in xaqiiqda la shaaciyo.
Magacaabista agaasimaha cusub iyo dadaalka lagu xakameynayo warbaahinta qaranka waxay muujinayaan heerka uu gaarsiisan yahay musuqmaasuqa iyo isdaba-marinta xafiisyada dowladda ee Soomaaliya maanta.